Akhristayaasha Himilo Media Group iyo Daawadayaasha Himilo TV, waxaan ku wargalinayaa inaan diyaariyey filim taariikhiya oo la yidhaa xasuuqii xeebta jasiira oo xambaarsan xog muhiim ah oo aad ku ogaan karto sidii xasuuqaasi u dhacay iyo sidii lagu ogaadayba, iyo waliba dareenka ehelka amase qoysaskii dadkaasi lagu xasuuqay xeebta jasiira.filimka xasuuqa xeebta jasiira oo dhamaystiran halkan ka daawo .
HALKAN KA DAAWO
Ilaahay naxariistii jano haka waraabiyee 46-ka qof ee xeebta Jasiira lagu xasuuqay 17-kii July 1989kii ayaa dhamaantood dhalasho ahaan waxay ka soo jeedeen Somaliland, kuwaas oo isugu jiray waayeel iyo dhalinyaro ahaa aqoonyahano, arday, ganacsato, macalimiin, xirfadlayaal, xoogmaal iyo shaqaale dawladeed, oo aan danbi galin, dhibaato kalena geysan balse loo gumaaday oo kaliya isirkooda oo cadaawad iyo naceyba u qabtay taliskii siyaad bare, sidaasi awgeed halkan ka daawo xasuuqii xeebta jasiira sidii uu u dhacay iyo shaqsiga kaliya sida uu uga badbaaday iyo dareenka ehelada dadkaasi lagu xasuuqay xeebta jasiira ee magaalada muqdisho.
Daawade waxaanu marti kaaga nahay inaad aragtida aad ka qaadatay daawashada filimkani ku soo gudbiso cinwaanka ah Email: madar088@gmail.com.
Gabagabadii waxaan u mahad naqayaa guud ahaan cid kasta oo igala qayb qaadatay diyaarinta filimkan xasuuqa xeebta jasiira.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment