Thursday, July 17, 2014

Odinga oo Madaxweyne Kenyatta ka dalbaday inuu caddeeyo tirada CIidamada Kenya ee Soomaaliya ku dhintay

Hargeysa, 17 July, 2014 (Himilo)- Hoggaamiyaha Is-bahaysiga Xisbiyada Mucaaradka ah ee waddanka Kenya ee CORD Raila Odinga, ayaa Xukuumadda Kenya ka dalbaday inay soo ban-dhigto tirada Ciidammada Kenyaanka ah ee lagu dilay gudaha Soomaliya tan iyo sannadkii 2011 oo ahayd markii ugu horreysay oo ay galaan Soomaaliya.

KENYA/Kenya ayaa waxaa kaga sugan Soomaaliya 4,000 oo Askari oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasoo iska-horimaadyo badan la galay xoogagga Al-shabaab ee ku sugan gobollada Koonfurta Soomaaliya oo ay ka howlgalaan Ciidammada ka socda dalka Kenya.

“Ciidammada Kenya waxay ku dhimanayaan Soomaaliya. Waxaan aragnaa in naxashyo la keenayo Kenya maalin walba, balse dawladdu weli ma sheegin tirada saxda ah ee Ciidammada Kenya kaga dhintay Soomaaliya. Markaa, waxaannu leenahay waa inay dawladdu caddaysaa taas.” Sidaa ayuu yidhi Hoggaamiyaha Xisbiyada Is-bahaysiga Mucaaridka ee waddanka Kenya Raila Odinga oo ka hadlay magaalada Nairobi.

Raysal-wasaarihii hore ee Kenya Mr. Odinga, ayaa ka dalbaday Xukuumadda inay tahay sharci inay shacabka Kenya u sheegto Askarta lagaga dilay Soomaaliya, si ay uga fekeraan inay Ciidammadoodu sii joogaan halkaas iyo in laga soo saaro.

Madaxa is-bahaysiga CORD, ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay dalbaday in laga soo saaro Ciidammada Kenya gudaha dalka Soomaaliya, taasoo ay sabab uga dhigeen inay xuddun u yihiin weerarrada ay Al-shabaab ka geysanayso gudaha waddanka Kenya.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

 

 

No comments:

Post a Comment