Wednesday, July 9, 2014

Jamaal Cali Xuseen oo xil-gudasho la’aan ku dhaliilay Wasaarado Xukuumadda ka tirsan

Hargeysa, 10 July, 2014 (Himilo)- Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay in xukuumadda talada haysa ee xisbiga Kulmiye dalka u horseedayso arrimo waxyeello u geysanaya ammaanka, dhaqaalaha iyo karaamada dalka.

meisAqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waxa uu Xukuumadda ku dhaliilay inay waxba ka qaban-kari la’dahay isla markaana ay dayacday dhoofka Xoolaha Nool, isaga oo wasaaradda Xannaannada Xoolaha ku eedeeyey xil-gudasho la’aan la xidhiidha hawlihii ay qaranka ugu qaabilsanayd ilaalinta tayada caafimaad ee xoolaha dalka ka dhoofaya.

“Xoolihii ay dadku kuu noolaayeen waa la soo celiyey. Xoolahaas waxa inoo furay xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale ee xisbigii UDUB oo aad uga shaqaysay. Xukuumaddana waxaad arkaysaa dhowr jeer in la soo cel-celiyey xoolaheenna oo ah waxa ay dadkeennu ku nool yihiin waana laf-dhabartii dhaqaalaheenna. Wasaaraddaasi (Xanaanada Xoolaha) way ku fashilantay inay wax ka qabato Arrimaha noocaas ah,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Waxa kale oo uu farta ku fiiqay amni-darro dalka kaga soo waajahan xil-gudasho la’aan uu ku dhaliilay wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyeynta, waxaanu yidhi, “Maalmahan waxa ka dhacayay magaalada Hargeysa iyo dalka inay marayeen gawaadhiyo aan Plate Numbers (Taariko) lahayn, taasi halis bay ku tahay nabad-gelyada dalka, waxaana taas laga doonayaa Wasaaradda Hawlaha Guud inay jawaab cad ka bixiso oo umadda kalsooni ay tusto, maaha in dalkeenna layska socdo.”

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, murashaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID, waxa uu sheegay in ay xisbi ahaan ku taageersan yihiin xisbiga dhiggooda ah ee Waddani baaq ay xukuumadda ugu jeediyeen inay isaga baxdo wada-hadallada ay kula jirto Soomaaliya maadama ay ka baxeen heshiisyadii lagu gaadhay wada-hadalladii hore oo ay ka mid yihiin Maamulka Hawada sare oo uu sheegay inay dawladda Somalia ka baxday isla markaana ay iskeed ula wareegtay maamulkii hawada ee dalweynihii laysku odhan jiray Soomaaliya oo Somaliland qayb ku leedahay.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment