Wednesday, July 9, 2014

Qaramada Midoobay oo Qaylo-dhaan ka dirtay Macaluul laga Cabsi qabo inay ka Dillaacdo Soomaaliya

“Maanta waxa na horyaalla xaalad adag. Waxaa muuqda waxyaabo sababi kara in Soomalia gasho xaalad bani’aadamnimo oo qalafsan” – Philipe Lazzarini


Muqdisho, 10 July, 2014 (Himilo)- Hay’adaha Gargaarka ee Qaramada Midoobay, ayaa walaac xooggan ka muujiyey xaaladda nololeed ee baahida dadka ku dhaqan deegaamada aanay xasiloonidu ka jirin ee ay adagtahay inay ka hawl-galaan iyo xaalado abaareed iyo cunto-yaraan jirta awgeed, kuwaas oo sababi kara in dalkaasi uu galo xaalad bani’aadamnimo oo qalafsan.

PhilipeIsu-duwaha Arrimaha bani’aadamnimada ee hay’adaha Qaramada Midoobay Philippe Lazzarini oo tix-raacaya digniin uu laba bilood ka hor ka jeediyey xaalad cunto-yaraan ah oo ka jirta Soomaaliyha, ayaa sheegay inay maanta muuqato xaaladdii uu ka digayey isla markaana ay ka cabsi qabaan bilaha soo socda ay kor u sii kacaan tirada dadka cunto-yaraantu saamayntu doonto gobollada dalkaasi Soomaaliya.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska isku-dubba-ridka bani’aadamnimada u qaabilsan Somaliya, ayaa lagu sheegay inay sannadkan yaraadeen rejayadii laga qabay roobabka gu’ga isla markaana la helay oo kaliya boqolkiiba 50 roobabkii la filayey inay ka da’aan dalkaasi Soomaaliya. Waxa uu waddamada bixiya dhaqaalaha Qaramada Midoobay ugu baaqay in si deg-deg ah loogu baahan yahay dhaqaale lagu badbaadiyo nolosha boqolaal kun oo qof oo ku nool dalkaasi Soomaaliya.

War-saxaafadeedka uu soo saaray Philipe Lazzarini, ayaa u qornaa sidan: “Daraasadkii ugu dambeeyey ee ay soo saartay hay’adda cuntada adduunka FAO ayaa lagu sheegay in dhibaatada dhinaca cuntada ah ee ka taagan Soomaaliya ay ka sii dari doonto bilaha soo socda, iyadoo xaalad abaareed la soo daristay qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya. Sanadkan waxaa da’ay wax ka yar boqolkiiba 50 (50%) oo ah roobabkii Gu’ga ka di’i jiray Soomaaliya bilaha March ilaa June.
Maanta waxa na horyaalla xaalad adag. Waxaa muuqda waxyaabo sababi kara in Soomalia gasho xaalad bani’aadamnimo oo qalafsan: abaar, dagaalada sii socda, xayiraadaha dhinaca ganacsiga ee jira, nafaqo darrida sii kordheysa iyo sare u kaca ascaarta cuntada.
Labo bilood ka hor waxaan ka digay in xaaladda sugnaanta cuntada ee liidata ay dhici karto inay ka sii darto bilaha soo socda. Maanta waxaa tagaan xaaladii aan ka sii digay. Bilaha soo socda, markii ugu horreeysay tan iyo wixii ka dambeeyey macluushii 2011, waxaa kor usii kici doona tirada dadka ay saameeyn doonto cunto la’aan iyo xalad degdeg ah oo bani’aadamnimo. Waa in aan la ogolaan in digniinaha la xiriira dhibaatadan la iska sii dhegatiro. Waxaan ugu baaqayaa deeq bixiyeyaasha in ay si degdeg ah dhaqaale ugu tabarucaan si hay’adaha gargaarku ay gurmad deg deg ah u sameeyaan. Maanta waan badbaadin karnaa nafta dadka dhibaataysan haddii aan ficil ku dhaqaaqno.
Iyadoo xaaladda baniaadinimo ay aad u liidato, hadana yaboohii gargar ba’niaadamnimo ee la sameeyay horaantii sanadkan, waxaa kaliya oo ila hada laga helay boqolkiiba 25 (25%). Waxaa loo baahan yahay oo wali aan la hayn lacag gaadhaysa 700 oo malyuun oo dollar inta uuna dhamaan sanadka 2014ka si kaalmo loo gaadhsiiyo dadka tabaalaysan oo gaadhaya ilaa 2.9 million oo qof.
Maanta gargaar maaliyadeed oo degdeg ah ayaa loo baahan yahay si dadka ku nool meelaha dhibaatooyinka bani’aadamnimo ay aad u saameeyeen loola gadho cunto, nafaqo, adeeg caafimaad iyo barnaamijyo ay dadku nolo maal moodkooda ka soo saartaan. Waxaan si gaar ah uga walaacsanahay xaalada nololeed ee barakacyaal gaadhaya ilaa 350,000 oo ku nool Muqdisho oo heerarka nafaqo-darrada iyo dhimashadu ay kor u dhaafeen heerarka caadiga ka ah caalamka.”

Himilomedia.com             

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment