Wednesday, July 16, 2014

Kenya Oo Diyaaradaheedu Duqaymo Ka Fuliyeen Degmada Jilib ee Jubada Dhexe

Jilib:July,16,2014(Himilo)-Diyaaradaha Waddanka Kenya, ayaa Maanta Duqaymo ka fuliyey Deegaanka Jilib ee Gobolka Jubadda Dhexe ee Somalia.

diyaarad kenya Dad kusugan Degmada Jilib ayaa Warbaahinta u sheegay in Diyaarad joog hoose ku duuleysay maanta lagu arkay Degmada Jilib iyo Duleedkeeda , waxaana la sheegay in dagaalyahano katirsan Shabaab ay rasaas ku fureen Diyaaradaasi, waxana loo malaynayaa inay diyaaradahaasi markii hore sahan ahaayeen.

Diyaarada Kenya laga lahaa ayaa xiligaa kadib duqeyn waxa ay ka geysatay Duleedka Degmada Jilib gaar ahaana halkii rasaasta lagaga soo riday , walina lama oga kyasaaraha ka dhashay duqeynta ay maanta geesatay Diyaaradaha  dagaalka ee laga leeyahay Dalka Kenya.

Ma jiro wax war a oo kasoo baxay XarakadaAl-Shabaab oo ka taliya halka la duqeeyay iyo Saraakiisha Kenya oo iyagu masuul ka ahaa duqeynta maanta Diyaarada Dagalaka Kenya ka geysatay Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhaxe.

 

Diyaaradaha Dagaalka Kenya ayaa marar kala duwan waxa ay duqeymo ka geysteen Degmada Jilib iyo Deegaano kale oo gacanta ugu jira Al-Shabaab, waxana inta badan duqaymahaas khasaare ka soo gaadhaa Shicib aan waxba galabsan oo Xoolo ku dhaqda Deegaankaas.

 

 

Himilo Media


 

No comments:

Post a Comment