Wednesday, July 16, 2014

Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Fooziya Xaaji Aadan Oo Lagu Eedeeyey Shirqoolo Loo Dhigay Hanti Soomaalidu lahayd

Switzerland:Hurinta Qaramada Midoobay u qaabilsan Xayiraadda Hubka ee saaran Eritria iyo Somalia ayaa Eedo kulul dusha ka saartay Madax iskugu jirta Somali iyo Ajaanib, kuwaas oo lagu leexsaday Hanti tiro badan oo Somalia lahayd.

xsaniKooxdan Dabagalka Hubka u qaabilsan Somalia iyo Eretria oo ka Kooban 8-Xubnood, ayaa shaacisay Natiijada Warbixintan, waxana Laga Helay Golaha Ammaanka, iyadoo Wakaallada Wararka ee Rueters gacanta ku dhigtay warbixin ka Kooban ugu yaraan 37-bog.

 

Warbixinta Kooxda dabagalka ayaa lagu yidhi: “Macluumaadkan waxaa la helay waqti fog waxayna ka turjimaysaa dhiig miirashada madaxda qaranka iyagoo dano khaas ah u eegaya ayna muujineyso meesha ugu yar ee shirqoolka si loo weeciyo wax shaac ka qaadida hantida qaran ee bada ku daahsoon si khiyaano aan cadayn ah” ayaa lagu yidhi warbixinta.

Inta badan hantida Somalia ee bada ku daahsoon waa ay qarsoonayd laga soo bilaabo 1991 xiligii colaada dowladii dhaxana meesha a kabaxday iyo lacagta kaashka ah iyo dahabka intii lagu guda jiray 20 sano ee lasoo dhaafay sidoo kalle hantida dowlada Somalia ee carrada shisheeye sidaa ayey ahayd.

Waxa ugu badan ee ay kooxdu kuqeexday shirqoolka hantida qaranka somaliyed loogeystay waxaa kulug lahaa shirkad mareykan ah oo lagu magacaabo Shulman Rogers ,madaxweynaha Somalia Hassan sheikh mohamuud iyo xafiiskiisa ,iyo sidoo kalle haweenaydii wasiirka arimaha dibada ka ahayd Somalia Fawzia Yusuf H. Adam,iyo shaqsiyaad kale oo isku xidhayaal ka ahaa dowlada Somalia iyo shirkada mareykanka ee Shulman Rogers.

Hadii natiijadu ay saxantahay ,warbixinta kooxdan waxay arin xanuun badan ama mugdi lagu tuuray ku noqonaysaa madaxweynaha Somalia ,iyadoo walaac sidoo kalle kunoqonaysa deeq bixiyaasha shisheeye ee dowlada Somalia balaayiinta ugu deeqa ee hanka kalahaa in ladhiso wadanka Somalia oo mudo fowdo ku jiray ayaa wabixinta lagu yidhi kooxdu ay soosaartay.

 

Himilo Media


 

No comments:

Post a Comment