Hargeysa, 16 July, 2014 (Himilo)- Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya, wada-xaajood ka yeeshay geeddi-socodka wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya oo wejiyo kala duwan oo ay mareen aan ilaa immika wax natiijo ahi ka soo bixin.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka wasaaraddaas Siciid Cali Muuse, ayaa lagu faahfaahiyey nuxurka qodobbo dhowr ah oo labada masuul ka wada-hadleen iyo ballamo dambe oo guddiyo labada waddan metalayaa kaga wada-hadli doonaan xoojinta dhinacyada ganacsiga iyo Ammaanka ee u dhexeeya labada waddan.
War-saxaafadeedka oo dhammeystiran, ayaa u qornaa sidan: “Labada masuul waxa ay wada-xaajood midho-dhal ah ka yeesheen dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin Ammaanka, Ganacsiga, Tamarta iyo wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya. Kulanka intiisa badan waxa lagaga hadlay xuduudka xidhan, reysal-wasaaruhuna wuxuu xaqiijiyey dammaanaq-qaad si deg-deg ah dib loogu furayo xuduudka.
Madaxweynaha iyo Raysalwasaaruhu waxa ay isla qaateen in la sii amba-qaado wada-xaajoodka khuseeya horumarinta dekedda Berbera iyo mashruuca Berbera Corridor iyada oo loo marayo qaab-dhismeed saddex-geesood ah.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu soo jeediyey in guddi wasiirro ah oo labada waddan ka tirsan ay wada-xaajood arrimaha ganacsiga khuseeya bilaabi doonaan Bisha Ramadan ka dib. Labada Masuulba waxa ay isku raaceen inay xoojiyeen iskaashigooda dhinacyo badan oo ammaanku u horreyo.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment