Wednesday, July 16, 2014

Malleeshiyaad Madaarka Tripoli ku burburiyey 90% Diyaarado Fadhiyey, dawladda oo ka hadashay iyo QM oo Shaqaaleheeda kala baxday

Tripoli, 16 July, 2014 (Himilo)- Xukuumadda Liibiya ayaa shaacisay in duqeyn goor hore oo shalay subaxnimadii ah loo geystey garoonka diyaaradaha magaalada Caasimadda ah ee Tiriboli ay keentay in ay burburaan 90%-kiiba diyaaradihii xilligaas garoonka fadhiyey.

Afhayeen u hadlay Xukuumadda Ku-meel-gaadhka ah ee Liibiya oo lagu magacaabo Axmad Al-amiin, ayaa sheegay in sidoo kale uu khasaare soo gaadhey, qaybaha socdaalka, farsamada iyo keydka shidaalka ee garoonka diyaaradaha Tripoli.

Al-amiin, ayaa intaas raaciyey in waqti dheer iyo weliba malaayiin Doollar loo baahan doono si dayac-tir loogu sameeyo diyaaradaha uu duqeyntaas khasaaruhu kasoo gaadhey.

Cidda duqeynta geysatay mar uu ka hadlayey Afhayeenku wuxuu sheegay in ay yihiin Malleeshiyo-beeleed ku kacsan Malleeshiyo kale oo lagu magacaabo kacdoon-wadeyaasha Zintaan oo iyagu xilligan garoonka Tiriboli maamula.

Shir aan caadi ahayn oo maalinnimmadii Isniinta ee toddobaadkan ay yeesheen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Meel-ku-gaadhka ah ee Liibiya, ayaa laga soo saaray go'aamo dhowr ah, waxaana ka mid ahaa in la dalbado farogelin Millateri oo caalami ah si xaaladda dalkaas loo dejiyo.

Qaramada Midoobay ayaa bilowday Isniintii toddobaadkan in ay shaqaalaheeda ka daad-gureysato dalka Liibiya, ka dib markii ay soo xumaatay xaaladda ammaan ee magaalooyinka Tiriboli iyo Banqaazi oo iyadu bariga dalkaas ku taalla.

Tan iyo markii meesha laga saaray dawladdii uu hoggaminayey Mucammar Al-qaddaafi, waxaa kasoo daraysay xaaladda ammaan iyo midda dhaqaale ee dalka Liibiya. Fawdada iyo nidaam la'aanta dalkaas ka jirta waxaa hormuud ka ah Malleeshiyaadkii hubeysnaa ee ka qayb-qaatay kacdoonkii uu dhiigga badani ku daatay ee lagu ridey xukunkii Kol. Qaddaafi.

 

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment