Doonta oo ay saarnaayeen 600 qof oo ka baxay xeebaha dalka Liibiya, ayaa mishiinkeedu ku cilladowday iyada oo maraysa meel u dhow xeebaha Talyaaniga, waxaana u gurmaday ciidamada Badda Talyaaniga, sida ay baahisay wakaaladda wararka ANSA ee dalka Talyaaniga.

Warku waxa intaas ku daray in laba qof oo kale la dhigay cusbitaal ku yaala Jaziiradda Sicily ee dalka Talyaaniga. Dadka doonta Saarnaa ayaa isugu jiray muwaadiniin u kala dhashay Waddamada Eritrea, Soomaaliya iyo Suuriya.
Bishan gudaheeda oo kaliya, waxa ay ciidamada ilaalada Xeebaha Talyaanigu badbaadiyaan 1,500 muhaajiriin u kala dhashay waddamada Afrika iyo Bariga Dhexe
Todobaadyadii u dambeeyey waxa si xawli u ah u bilaabmay safarka muhaajiriin isku-dayaysa inay u tahriibaan qaaradda Yurub, iyada oo taas lagu sabeeyey jewiga badda oo deggen iyo qul-qulatooyinka iyo sharci la’aanta ka jirta dalka Liibiya oo muddooyinkan kor u kacday.
Hay’adda Qaxoontiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR), ayaa sheegtay inay 500 qof ku geeriyoodeen biyaha badda Mediterranean sannadkan oo kaliya, marka la barbardhigo sannadkii hore oo ay ku geeriyoodeen 700 qof, sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee Reuters.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment