
Kulanka lagu furayey Dhismayaasha lagu kordhiyey Cusbitaalka iyo laguna guddoomayey labada Gaadhi ee Ambalaaska ah, waxa Wasiirka ka hor ka hadlay Agaasimaha Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, isla markaana waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay Ambalaasyada iyo Dhismayaasha ay Hay’adda Health Poverty Action ugu deeqday Cusbitaalka oo uu sheegay inay wax badan ka qaban doonaan adeegyada caafimaad ee Cusbitaalka iyo sidii Hooyooyinka iyo dhallaanka loo soo gaadhsiin lahaa Cusbitaalka.
Sidoo kale, waxa iyaguna halkaas ka hadlay Masuuliyiin ka socday Hay’adda arrimaha wax-ka-qabashada iyo horumarinta Caafimaadka kala shaqaysa Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ee Health Poverty Action, kuwaasoo sheegay inay Baabuurtan Ambalaasyada ah ugu talo-galeen in loogu gargaaro Hooyooyinka Ummulaya ee loo baahan yahay in si deg-deg ah loo soo gaadhsiiyo Cusbitaalka iyo u adeegidda dhallaanka xanuunsanaya.
Gebo-gabadii Kulankaas waxaa Dhismayaashaa xadhigga ka jaray Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo labadaa Baabuur-na ku wareejiyey Agaasinka Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, isagoo halkaa uga mahad-celiyey Hay’adda hawshaa ka caawisay.
“Waxaan aad iyo aad ugu mahad-celinayaa cid kasta oo ka qayb-qaadatay hirgelinta qaybaha kala geddisan ee aynu maanta furayno, waxaan aad ugu mahad-naqayaa Hay’adda HPA oo hirgelisay Dhismahan, isla markaana ku deeqday laba Ambalaas oo muhiim ah oo runtii wax wayn ka tari doona, soona gudbin doona Ummulaha iyo Hooyooyinka dhalaya ee deg-deg in Cusbitaalka loo soo gaadhsiiyo ay tahay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadku.
Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan-Xaglo-toosiye oo ka hadlayey heerka dhinaca horumarka ee ay la rabaan inuu gaadho Cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, waxa uu yidhi; “Waxa naga go’an Cusbitaalkani inuu noqdo Cusbitaal caalami ah, waxa naga go’an Cusbitaalkani inuu daboolo dhammaanba adeegyada caafimaad ee dadkeennu dibedaha ay u tagaan, ama kharash badani uu kaga soo baxo meelo fog-fog-na ay u tagaan.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment