Saxaabadii ayaa maalin la yaabay Rasuulkeenii oo sii koraya
minbarkiisii oo leh aamiin,aamiin, aamin, waxay waydiiyeen nebigii
Ilaahow waxaan ku waydinay maxaad u lahayd aamiin aamiin aamiin?
wuxuu yidhi Xabiibkeenii scw: Jibriil ayaa ii yimi oo yidhi, qofkii
Ramadaan u soo gasho ee aan loogu denbi dhaafin Alle ha fogeeyo markaasuu
yidhi dheh aamiin sidaasaan u lahaa aamiin, ka labadaana waxay ahayd
qofka labadiisa waalid ku soo gaadha nolol ama mid ahaanba ee aan
Jannada ku gelin u samafalkooda Illaahay naarta ha ku fogeeyo,
dabeedna aamiin ayaan idhi, ka saddexaadna qofka inta nebiga SCW lagu soo
ag qaado ku saliyi waaya naarta halagu fogeeyo markaasaan idhi aamiin.
ma dareemeen xadiiskan kuwa qafladaysan ee ku mashquulsan lahwiga iyo
laqwiga iyo huuhaada iyo waqti lumiska iyo beenta iyo xanta iyo isku
dirka, is nacaybka is hiifka is xaasidida iyo been faafinta iyo
cibaado la'aanta.
imisaa qof aad u jeclaysanayey Ramadaan inuu gaadho oo ka faa'iidaysto
oo waqtigu u saamixi waayey oo ku hoyday qubuuraha,
maanta waxaan ku jirnaa bishii waynayd ee Ramadaan waxa mudan inaan
qaflada ka kacno oo intaa ka hadhay ka faa'iidaysano.
xaqiiqdii qofka liibaanay waa qofka uga faa'iideeya naftiisa waqtiyada
khayrka leh sida Ramadaanta waayo ma garan doono inay ina soo mari
doonto Ramadaan danbe,
adduunyadu waa maalmo kooban mudana inaan maalmahaas ama saacadahaas ka
dhigano daacad, hadaba bishan Ramadaan oo ka mid ah nimcooyinka
Illaahay ina siiyey waa inaanay inagu dhaafin dhayal iyo qaflad.
Illaahay hortiisa camalkeena wacan ayaa inoo hiilinaya oo aynu ku
farxi doonaa qiyaamaha.
qofka soomani waxa uu farxaa laba goor marka uu afurayo iyo marka uu
la kulmo Alle swt ee lagu abaal mariyo soontiisa,
Alle ha inaga aqbalo.
Fadliga soonka bisha ramadaan:
1. Waxa la furaa albaabada jannada waxaana la xidhaa albaabada naarta
2. Waxa ku jira habeen camalka la sameeyo uu ka khayr badan yahay 1000 bilood
3. Waxa la xidh-xidhaa shayaadiinta.
4.Qofkii sooma isagoo rumeysan wuxuu Ilaahay sheegay, xisaabsanaayana ajar uu Allaah ka sugaayo waa loo danbi dhaafaa
5. Soonka wuxuu u shafeeca qaadayaa saaxiibkiisa maalinta Qiyaamo.
6. Qofkii hal maalin u soomo Alle dartiis waxa laga fogeynayaa 70 sano naarta.
Waxyaabaha Soonka buriya :-
Waxyaala soonka jabiya ama buriya , loona baahan yahay qofka muslimka inuu barto siduu iskaga ilaalin lahaa waa:
1. Galmada ula kacda ah ee loo galmooda xaaska xilliga maalintii ah ee la sooman yahay
2. Biyaha (shahwada) oo ka yimaada qofka ciyaar darteed ama uu isagu iska keenay
3. Cuntada iyo cabitaanka oo si kas ah loo cabo
4. Mataga oo kas la iskaga keeno
5. Dhiiga caadada iyo dhiiga dhalmada
6. Waali uu qofku waasho
Goorma ayaan loo baahneyn in uu qofka muslimku soomo?
Maadaama diinteenu ay tahay mid naxariis badan Waxa jira xaalado aan qofka looga baahneyn in uu soomo waxaana ka mid ah xaaladahaas:
1. Qofka xanuunsan
2. Qofka musaafirka ah, safarka waa banaan tahay in uu qofku iska afuro,
sidoo kale waxa u banaan in uu soomo.
3. Gabadhaha dhiiga xaydka ku dhacay iyo gabadha umushay oo dhiiga dhalmada ka socdo.
Waxa jiro maalmo aanay banaaneyn in la soomo sida uu Nabiga (NNKH) cadeeyey, maalmahaasna waa:
1. Ciidul Fitri iyo ciidul Adxaa maadaamo ay yihiin labo maalin oo ay muslimiintu farxayaan
2. Maalinta Jimcada kaligeed, in laga hormariyo ama laga dib dhigo maalin mooyaane
3. 3da maalmood ee ka danbaysa maalinta 10aad ee dilxija ee ciidweynta, waana maalmo farxad oo cabitaan iyo cunto ( Maalmaha tashriiqa)
4. In la soomo sanadka oo dhan oon maalina laga afurin
5.. In la soomo maalinta laga shakiyo in ay ramadaan tahay illaa qof soo soomi jiray soon sunno.
6. In la soomo maalin sabti kaligeed illaa in lala soomo maalinta axada.
7. Sidoo kale gabadha ma u banaano in ay soonto soon sunno ah niinkeedoo joogo illaa uu ninkeeda u fasaxo.
8. Waxa xaaraan ah in la isla xidhiidhiyo 2maalmood soonkooda iyadoo aanu qofka afurin.
Aadaabta soonka
Waxa jira waxyaalo looga baahanyahay in qofka soomaaya in uu la yimaado waxaana ka mid ah:
1. In uu suxuurto, wakhtigeedana uu dib dhigo.
2. In uu la yimaado duco wakhtiga afurka, ducadaasna la rajaynayo inay tahay mustaab..
3. In uu iska ilaaliyo waxyaalaha buriya soonka.
4. In uu cadeydo, hadduu dareemo isbadal riixada afka..
5. In uu ku dadaalo cibaadada iyo sameynta camalka wanaagsan 10ka dambe ee ramadaan sida ictikaafka.
6. Qur’aan akhriska in la badiyo, akhrin iyo tadabur iswata..
Ducadeena maxaa loo ajiibi waayey?
mahad oo dhan ilaahay ayaa leh swt nabad gelyo iyo naxariisna
Rasuulkeena korkiisa ha ahaato.
waxa jirta in badan oo ducaysata ayaa yidhaahda ducadeena miyaan la
aqbalayn su'aashaas ayaa la waydiiyey nin sheekh ahaa oo la odhan
jiray Ibraahim ibnu Ad-ham dabeed wuxuu kaga jawaabay; Ducadiina waxa
loo ajiibi waayey toban arrimood.
Illaahay ayaad garateen hadana ma samaynaysaan xaqiisa uu idinkuu waajibiyey.
Nebigaad SCW tidhaaheen waan jecelnahay hadana kuma dhaqmaysaan sunihiisa,
Qur’aankii baad barateen hadana ku camal fali maysaan.
Iblays ayaad tidhaahdeen waa cadawgayaga hadana saaxiib ayaad ka dhigateen.
Jannada ayaad tidhaaheen waa xaq hadana uma camal falanaysaan.
Naarta ayaad tidhaahdeen waa xaq hadana kama foogaanaysaan wixii lagu gelayey.
ceebaha dadkaad kuu mashquusheen ceebtiiniina waad ilowdeen.
intii idinka dhimataad aasaysaan oo ku cibro qaadan maysaan.
Hussein Jama guudcade.
diintuwaanasteexo1@gmail.com
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment