Wednesday, July 16, 2014

Shatiyo(liisamo) Casri ah Oo Somaliland Yeelan Doonto Oo Maanta La Soo Bandhigay

Hargeysa:July,16,2014(Himilo)-Waxa Maanta Magaalada Hargeysa lagu soo Bandhiga Shatiga(Liisanka) cusub ee loo adeegan doono wadista Gaadiidka oo hab casri ah loo sameeyey.

gufeShirkad qaadatay Qandaraaska Samaynta Liisamada oo lagu magacaabo Shirkadda Samaynta Liisamada Baabuurta ee Somaliland ayaa Liisamada Gadaadiidka lagu wado oo hore u ahaa Buug, hadda ka dhigtay Kaadh laf ah oo Electronic ah.

Munaasibadda lagu soo bandhigayay Qaabka cusub ee Liismada Gaadiidka waxaa ka  qayb galay Wasiirka Hawlaha Guud iyo guriyeynta Cabdirisaaq Khaliif, Xeer ilaaliyaha Guud Xassan Axmed Aadan, Hantidhawraha Maxamuud Dheere, Guddoomiyaha Hay’ada qandaraasadka qaranka Aadan Nugaal, Xisaabiyaha guud ee qaranka Maxamed Cabdi Badde, Taliyaha Ciidanka Nabadgelayda Wadooyinka Faysal Xiis iyo masuuliyiinta Shirkada hawshaasi fulinaysa.

Ibraahin Ismaaciil Cilmi oo Madax ka ah Shirkadda Qandaraaska Samaynta Liisamada Qaadatay oo faahfaahin ka bixinaya Samaynta Liisamada ayaa yidhi “Shirkadayadan oo ah mid  waddani ah ayaa ku guuleystay in ay casriyeyso Liisamada Baabuurta oo noocii hore ee ahaa Buugaagta u badasho Kaadh Electronic  oo laf ah, si aynu ulla jaanqadno waddamada caalamka, runtii waa nidaam aan culeys dhaqaale aan ku soo kordhinayn shacabka, shirkadan waxa ku midoobay dad reer Somaliland oo qurba joog ah iyo kuwa gudaha joogaba, runtii qaabkan cusub waxa uu dalka u leeyahay faa’iidooyin badan oo dhinaca amaanka ah iyo waliba dhinac ilaalinta dhaqalaha wadanka”

Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa sheegay in hirgalinta Liisankan Casriga ah ay gacan ka gaysteen Wasaaradiisa, Wasaaradda Maaliyadda, Guddida Qandaraasyada Qaranka iyo Shirkadda Samayntiisa fulisay.

“Munaasibad aynu ku daahfurayno liisanka cusub, ee wasaarada hawlaha guud iyo gaadiidka guriyeynta, liisankan cusub waxa uu kaga duwanan doona kii hore, kani waa la foo leh xog ururin u khaas ah, waxa uu darawaliinta baabuurta kula dardaramay in ay fahmaan masuuliayda saaran oo ay iska jiraan waxa alaale iyo wixii dhib u keenay naftooda iyo dadka dadka kaleba” ayuu yidhi Wasiir Cabdirisaaq Khaliif

 

Liisamadan cusub ayaa Lagu Bedeli doonaa Kuwii hore oo ka samaysnaa Buug, waxana uu kan cusubi la jaanqaadi doonaa midka Caalamka laga isticmaalo.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment