Wednesday, October 29, 2014

Ciidamada Qaranka oo fashiliyey Af-duub noociisu ugub yahay oo Koox Dhuxulaysato ahi ka gaysteen Gobolka Badhan

Badhan, 29 Oct, 2014 (Himilo)- Koox dhuxulaysato ah oo gadoodsan, ayaa afar nin oo dhalinyaro ah ka afduubay deegaan u dhexeeya tuulooyinka Damala-xagare iyo Awr-boogays oo ka tirsan gobolka Badhan, ka dib markii Ciidamo ka tirsan Milatariga Somaliland oo fadhisinkoodu yahay magaalada Ceerigaabo ay ka gubeen Dhuxul ay shiteen deegaankaas.
SoolRegion097Falkan afduubka ah oo gelinkii dambe ee Isniintii todobaadkan ka dhacay meel u dhaxaysa Damala-xagare iyo Awr-boogays, ayaa la sheegay inay fuliyeen koox dhuxulaysato ah oo ka soo jeedda Deegaanka Awr-boogays, kuwaas oo Ciidamo ka tirsan Milatariga Somaliland oo hawl-gallo xaalufka deegaanka lagula dagaalamayo ka waday gobolka Badhan ay kala wareegeen dhuxul ay ka shiteen meel u dhow tuulada Awr-boogays.
Afarta nin ee la afduubay oo watay gaadhi xamuul ah oo ka tagay tuulada Damala-xagare, ayaa niis carro kaawo u doontay meel doox ah oo u dhexeeya labada tuulo, halkaas oo kooxda dhuxulaysatada ahi ka afduubeen, sida ay Himilo khadka telefonka ugu xaqiijiyeen masuul ka tirsan laamaha dawladda ee gobolka Badhan iyo qof shacab ah oo iyaga oo ku sugan magaalada Badhan xalay khadka telefonka ugu warramay Wargeyska Himilo.
Warku waxa uu intaas ku daray in Ciidamko ka tirsan milatariga Somaliland oo ay wehelinayaan madax-dhaqameedka beesha ragga afduubka fuliyey ka daba-tageen ka daba-tageen dhuxulaysatada falkan ku kacday, isla markaana ay soo badbaadiyeen Afarta nin oo caafimaad-qaba iyo kooxda afduubka geysatay.
“Afar ninbaa shalay (dorraad) galab lagu afduubay Damale Xagare iyo Awrboogays dhexdooda. Nimanka waxa afduubay waa dhuxulaysato Nimankan wax afduubtay waxay leeyihin ciidamada Somaliland-baa dhuxul naga gubay. Afarta nin waxay wateen baabuur xamuul ah oo waxay doonanayeen Niis, dabadeed iyagoo maraya meel u dhaxaysa Damala-Xagare iyo Awr-boogays, ayuu gaadhigii dhiidhi ka galay, nimankan dhuxulaysatada ahina sidaasay kula kulmeen,” sidaa waxa wargeyska Himilo khadda telefonka ugu sheegay Maxamed Aadan oo ka tirsan shacabka ku dhaqan magaalada Magaalada Badhan.
Isaga oo hadalkiis sii watay waxa uu yidhi, “Dabadeena ciidanka qarankaa ku baxay, nimankii waa la qab-qabtay, afartii ninna waa la soo badbaadiyey, iyagiina waxa immika lagu hayaa meeshii ay u dhasheen oo ah Aw-boogays,”
Dhinaca kale, Isuduwaha Xafiiska horumarinta iyo Nabadeynta gobollada Bari ee Somaliland Cabdikariim Maxamuud Xasan oo muddooyinkii u dambeeyey ku sugnaa deegaanno ka tirsan gobolka Badhan oo inta badan uu ka hawl-galo, ayaa Wargeyska Himilo u xaqiijiyey dhacdadan oo gelinkii dambe ee maalintii Isniinta ka dhacday meel u dhaxaysa tuulooyinka Awr-boogays iyo Damala-xagare ee gobolka Badhan oo ay kala deggen yihiin Beelaha Wargsangeli iyo Dhulbahante.
Cabdikariim oo arrimahan ka hadlayey waxa uu yidhi, “Waa dad dhuxulaysato ah oo iyagoo dhuxulaysanaya ayaa ciidan kaga soo baxay Ceerigaabo, ciidankiibaa ka gubay dhuxushii. Markaa kuwii dhuxusha laga gubaybaa inamo Afar ah oo Niis u doontay meel dooxo ah oo gaadhi waaraad ah wata, ayaa la kaxaystay, haddana waa la soo celinayaa baa la lahaa oo xal nabadeed iyo waan-waan baa lagu soo celinayaa.”
“Odayaal ka soo jeeda beesha nimanka wax afduubtay ayaa ku baxay, innamadiina waa la soo celinayaa oo waa nabad-qabaan baa la yidhi maanta (shalay) galinkii dambe,” sidaas ayuu yidhi Isuduwaha Xafiiska horumarinta iyo Nabadeynta gobollada Bari ee Somaliland Cabdikariim Maxamuud Xasan.
Tallaabada Kooxda dhuxulaysatada ah ku afduubeen afarta nin oo u muuqda madax-fursasho ay ku doonayaan mag-dhowga dhuxusha ciidanku ka gubay, iyada oo nimanka afduubka loo geystay oo u dhashay tuulada Damala-xagare oo beesha Warsangeli deegaan ahaan iska leedahay, halka kooxda dhuxulaysatada ah u dhalatay deegaanka Awr-boogays oo ay deggen yihiin beel ka tirsan beelaha Dhulbahante ee dega Koonfurta gobolka Sanaag.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment