
Garsooraha qaadayey Dacwadda Wasiir Ku-xigeenkii Amniga ee Arrimaha Gudaha oo lagu magacaabo Xuseen Jaamac Belel, ayaa Saddex sano oo xadhig ah ku xukumay Cabdillaahi Abbokor iyo Askarigii ilaalada u ahaan jiray oo uu sheegay inay lix fadhi dacwaddooda dhegaysanayeen, isla markaana ay heleen Xukun caddaalad ah, inkasta oo aanay Qareenka xubnahan u doodayey iyo Xeer-ilaalinta oo Dacwadda ku soo oogtay midkoodna ku qancin xukunka ku dhacay labadan Xubnood ay Racfaan ka qaateen, haddana Xukunka Racfaanka laga qaatay ayaan la caddayn inay ku jiraan labada Xubnood ee Xaakinku sheegay in Dembi lagu waayey oo ay fasaxan yihiin.
Hase-yeeshee, Cabdillaahi Cumar Aw Cismaan, ayaa Weriye Wargeyska Himilo ka tirsan u sheegay in labadaas nin aan illaa hadda si rasmi ah loogu sheegin sababta dib loogu xidhay maaddaama oo ay Maxkamaddu fasaxday oo Xaakinka Kiiska gacanta ku hayey sheegay in wax dembi ah lagu waayey, intii Maxkamaddu socotayna aan laga sheegin inay xidhnaanayaan muddo kale ama inta Racfaanku ka dhammaanayo.
“Annagu illaa hadda ma garanayno sababta labadaas nin oo aannu mid walaalo nahay midka kalena ilma-adeer Xabsiga loogu celiyey ee dib loogu xidhay, iyaga oo markii Maxkamaddu fasaxday ee ay sidaas uga soo baxeen-ba dib loo qabtay, markii aannu Maxkamaddii dib ugu noqonnay maalmo ka dibna, waxa naloo sheegay in Xeer-ilaalintu dalbatay dib-u-xidhistooda, laakiin sababta dib loogu xidhay cid naga qancisa maannu arag.” Sidaa ayuu yidhi oo uu Himilo u sheegay Cabdillaahi Cumar Aw Cismaan.
Inkasta oo aannu isku daynay inaannu dhinacyada Maxkamadda iyo Xeer-ilaalinta gobolka Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa la xidhiidhno si aannu warkan dhinacooda wax uga weydiinno noomay suuragelin inaannu helno.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment