Danjiraha Kenya u fadhiya QM Mashaariya Kamau ayaa golaha u gudbiyay warqadani isaga oo maxkamada ICC ku eedeyay in ay jabinayso shuruucda iyo xeerarka lagu dhisay maxkamada ICC .Warqada ayaa waxa golaha wadamada saxeexay heshiiska ICC ay Kenya ka dalbatay in cabashada Kenya lagu daro waxyaabaha laga wada hadlayo kulanka golaha ee soo socda .
Warqadan cabashada ah ee ay dowlada dalkani Kenya u gudbisay golaha wadamada saxeexay heshiiska ICC ayaa ku soo beegmaysa xili qaar ka mid ah xildhibaanada isbahaysiga talada haya ee Jubilee ay eedayn u so jeediyeen maxkamada ICC.
Hogaamiyayaasah Jubilee ayaa waxa ay maxkamada ICC ay ku eedeeyeen in ay wado qorsha ay doorashada soo socota kaga hor istaagayso maadxwayne Kenyatta iyo ku xigeenkiisa Wilyam Ruto
Himilo Media
No comments:
Post a Comment