Sunday, October 26, 2014

Khilaaf Dibadda u Soo Baxay Oo Kala Irdheeyey Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isal wasaarihiisa

Muqdisho:Oct,26,2014(Himilo)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isal wasaarihiisa Cabdiweli Sheekh Axemd, wayaa waxa dhexdooda soo galay Khilaaf culus oo dibadda u soo baxay, kaas oo gaadhay in labada masuul ay eedo warbaahinta isu mariyaan.

tilpMadaxweynaha Somalia ayaa ganafka ku dhiftay isku shaandheyntaasi R/wasaaraha uu ku sameeyay Wasiiradiisa, waxaana madaxweynuh uu tilmaamay in aan lagala tashan isku shaandheyntaasi oo uu maalintii shalay sameeyey Ra’isal wasaare Cabdiweli.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku wargeliyay Wasiir kasta inuu shaqadiisa sii wato oo aanay wax saameyn ah ku yeelan warka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, taas ayaana ah mid uu wali ka fikirayo Ra’iisul Wasaaruhu sidii uu ugu fal celin lahaa.

Ra’iisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed ayaa la tashiyo la yeelanayay tan iyo xalay qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada iyo la taliyeyaashiisa, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda uu war ka soo saaro diidmadii Madaxweynaha.

Marka loo eego sida ay wax u socdaan waxaa muuqata dagaal siyaasadeed cusub oo ka dhex-bilowday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Xafiiska Madaxweynaha dalka, iyadoo dadka odorosa Siyaasada dalka ay sheegayaan in dagaalkan uu soo bilowday markii xilka laga qaaday Agasimihii Nabadsugida C/laahi Sambaloolshe oo loo xaglinaayay garabka Madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiirada Xukuumadda ayaa u kala safan garab taageersan Madaxweynaha dalka iyo garab taageersan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, iyadoo Baarlamanka dalka oo ah Hay’adda sharci dejint dalka ay sheeda ka daawanayaan sida ay wax ku socdaan.

Khilaafyada caynkaan ah marka ay ka dhex-curtaan Madaxda dowladda ayaa ugu dambeyn xalkooda waxa ay ku biyo shubtaan in labada masuul midkood uu daaqada ka baxo sida looga bartay Dowladihii dalka soo maray ee ragaadiyay khilaafka caynkaan oo kale ah.

Dalka Soomaaliya malahan Maxkamad Dastuuri ah oo dib loogu noqdo marka hogaanka dalka uu soo kala dhex-galo khilaafyada noocan oo kale ah.

Labada Hogaamiye ee Khilaafka uu ka dhex-taagan yahay ayaa xafiisyadooda waxaa ka socda shax siyaasadeed midba midka kale uu kaga hortagaayo daadadka Siyaasadeed ee uu filan karo inay kaga yimaadaan xafiiska kale.

 

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment