Xasan Cawaale oo shalay saxaafadda kula Hadlay magaalada Hargeysa, ayaa soo bandhigay Koob uu ugu talogalay inuu u qabto kooxo ka kala socda Gobollo iyo magaalooyin kala duwan, kuwaasoo ka mid ah Kooxaha Heerka Koowaad ee somaliland ka dhisan.

“Halkan waxaan ku shaacinayaa Koob ama tartan aan Maalgelinayo oo lagu qaban doono Gobolka Gabiley, kaas oo ay kasoo qaybgeli doonaan Siddeed kooxood oo heerka Koowaad ah, oo ka kala imanaya Magaalooyinka Hargeysa, Gabiley iyo Boorama.”ayuu yidhi Xildhibaan Xasan Cawaale.
Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inuu koobkani yahay mid lagu xusayo Gabayaagii soomaaliyeed ee caanka ahaa illaahay naxariistii janno haka waraabiyee Marxuum Abwaan Cabdilaahi Suldaan Timacadde, iyadoo muhiimaddu tahay sidii Gabayaaga dib loogu xasuusan lahaa,
“Koobkan, waxaanu ku xusaynaa Cabdilaahi Suldaan TImacadde oo Gabayaa caan ah ahaa, nin dadka iyo dalkaba wax usoo taray iyadoo gabayada lagu xasuusto ay ka mid ahaayeen “Dugsi ma leh Qabyaaladi waxay dumiso mooyee.” Iyo qaar kale oo badan, waxaana aanu Halkaas ku soo bandhigi doonaa Gabayadiisii Waxtarka lahaa, waxaana aanu ku wadnaa in Tartankaasi uu si fiican u dhici doono, waxaana uu dhici doonaa Bisha soo socota ee November Tobankeeda.”ayuu yidhi Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan.
Xasan cawaale ayaa ka mid ah Mudanayaasha inta badan da’yarta dhinacooda u janjeedha, waxaana uu hore sidan oo kale Gobolka Gabiley uga Hirgeliyey tartanno noocan oo kale ah, kuwaas oo abuuray is dhexgal iyo isbarasho dhinaca da’yarta ah iyo bulshdaba ah.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment