Friday, October 31, 2014

Xukun Soddon Sano ah Oo Lagu Riday Nin Guursaday 21-Haween ah

Juresalem:Oct,31,2014(Himilo)-Nin u dhashay dalka Isra’il oo la sheegay inuu Guursaday Haween tiradoodu gaadhayso ilaa 21, ayaa lagu riday xukun soddon sano oo xadhi ah.

yahuJowhn Retson oo ah ninka Dawcaddan lagu soo oogay, ayaa waxaaa uu khaadiga maxkamada xukunka riday sheegay inuu guursaday 21 gabdhood sheegtayna inuu yahay Mahdiga lasugayo, ninkan ayaa sheegay inay gabdhahani xorriyadooda kula noolaayeen oo aanu isagu qasbin.

Hadal heynta Jown Reston ayaa waxaa si weyn looga hadal hayaa gudaha magaalada Talabiib, mid kamid ah xaasaskii uu qabay ninkan ayaa sheegtay inuu u sheegay inuu yahay Mahdi.

Sidoo kale ninkan Odayga ah ayaa lagu eedeeyay inuu xaasaskiisa kamamnuucay inay cunaan Hilibka, iyo inay sigaarka cabaan.

Xukunkan gaadhaya 30 sano ayaa waxaa uu qaadigu ku sheegay inay tahay ku xad gudubka uu ninkan ku sameeyay Diinta ay aaminsan yihiin Yahuuda oo sheegeysa in qofka loo ogol yahay kaliya inuu hal xaas yeesho.

 

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment