
Xildhibaannadaas sheegay inay Shir-guddoonka Baarlamaanka Mooshin ka keenayaan, ayaa la safan Raysal-wasaaraha, halka ay Xildhibaannada Mooshinka ka keenay Raysal-wasaaha la safan yihiin Madaxweynaha, iyaga oo ka faa’iidaysanaya khilaafka labada Masuul u dhexeeya, kuwaasoo danta ay ka leeyihiin kala raacidda Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha tahay in Xildhibaan weliba taageerayo dhinaca uu dantiisa gaarka ah ka dhex-arkayo, isla markaana uu khilaafka awgii uga dhammaysan karo dano gaar ahaaneed.
Sida ay ku soo warramayeen warbaahinta Muqdisho, Waxa ka socda Magaaladaas ololayaal xooggan oo lagu kala taageerayo Raysal-wasaaraha iyo Madaxweynaha iyo sidoo kale abaabulka Mooshinka ka dhanka ah Shir-guddoonka Golaha Baarlamaanka oo ay Xildhibaannada Raysal-wasaaraha Taageersani ku mashquulsan yihiin.
Sidoo kale, waxaa isla Muqdisho ka socda dedaallo la doonayo in xiisadaha kacsan dhulka la dhigo, isla markaana Xildhibaannada iska soo horjeeda la isugu soo dhawayn lahaa, meeshana looga saari lahaa kala-qaybsanaanta Mudanayaasha Baarlamaanka. Inkasta oo aan Mooshinka laga keenayo Shir-guddoonka weli gacanta loo gelin Shir-guddoonka oo sharcigu dhigayo in Mooshin kasta iyaga loo gudibyo ka hor intaan Golaha la hor-keenin, waxaana sidoo kale socda dedaallo la rabo mooshinnadaas oo dhan.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo labadiisa Guddoomiye Ku-xigeen, ayaa xalay la kulmay Xildhibaannada keenay Mooshinka, balse illaa hadda lama oga wixii kulankaas lagaga hadlay, iyadoo Shir-guddoonku uu dedaal weyn ugu jirto sidii meesha looga saari lahaa Mooshinkan ay ku qaybsameen Xildhibaannada Baarlamaanku.
Dedaalladaas waxa ka mid ah Kulan uu Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof: Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Ku-xigeennadiisu Shalay kula yeesheen magaalada Muqdisho Mudanayaasha soo qaddimay Mooshinka ka dhanka ah Raysal-wasaaraha Xukuumadda Cabdiweli Sheekh Axmed, kulankaas oo saacado badan qaatay, isla markaana ay Guddoonka Baarlamaanku doonayaan in meesha laga saaro Mooshinkaas, taa beddelkeedana khilaafka Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha u dhexeeya lagu xalliyo wadahadal iyo isu-soo-dhawaansho laga dhex-abuuro labada Masuul ee khilaafku u dhexeeyo ee dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdiweli Sheekh Axmed.
Dib-u-dhaca fadhiga Sabtidii Shalay uu Baarlamaanku yeelan lahaa, ayaa la sheegay in sababta uu u baaqday inay tahay kulamada Shir-guddoonka Baarlamaanku ku jiro ee qaybta ka ah dedaallada la doonayo in lagu joojiyo Mooshinnada isku lidka ah ee Mudanayaasha Baarlamaanku wadaan iyo sidii khilaafka Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha u dhexeeya loogu dhammayn lahaa degganaansho iyo wadahadal.
Sidoo kale, Wefti uu hoggaaminayo Ergayga Urur-goboleedka IGAD u qaabbilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afay, ayaa isaguna shalay soo gaadhay magaalada Muqdisho, Weftigaas oo qayb ka ah dedaallada loogu jiro xal u helidda khilaafka cakiran ee Madaxda dawladda Federaalka Soomaaliya iyo hakinta Mooshinnada Xildhibaannada kala qaybsan ee Baarlamaanku wadaan. Halka Ergayga Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo dedaallada qayb ka ahi hore walaac uga muujiyey in Khilaafka Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaruhu Baarlamanka u kala qaybin karo sidan oo Xildhibaannada Codkooda lacag lagu beddesho, taasoo ay Baarlamaanku gef ku tilmaameen, raalli-gelinna ka dalbadeen Danjire Kay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment