Sunday, November 9, 2014

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Ka Hadlay Khilaafka Ka Dhashay Maxjarka Berbera Oo Dad U Xidhan Xidhan Yihiin

Hargeysa:Nov,09,2014(Himilo)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha somaliland Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa Maanta Ka Hadlay Khilaafka ka Taagan Dhismaha Maxjar Ganacsato reer Somaliland ahi Halkaas ka Dhisi lahaayeen oo la isku qabsaday, isla-markaana la joojiyey.

warabWasiirka oo saxaafadda kula Hadlay Xafiiskiisa, ayaa sheegay inay xukuumaddu gacanta ku Hayso arrinta Maxjarka, isla-markaana ay ka Go’an tahay in xal waara dhawaan laga Gaadho.

Waxa uu ku Adkaystay inay xukuumadda si caddaalad ah uga Garnaqi doonto arrinta Maxjarka, isla-markaana, isagoo digniin u diray shakhsiyaad uu sheegay inay ku lug lahaayeen khilaafka Berbera ka taagan, “Arintan oo ka dhacday Maxjarka Berbera,waxaana si buuxda ugu haysa gacanta oo si Caddaalad iyo sinaan ah oo dhakhso ahna u dhamayn doonta hawshaas.Waxaana gacan adag lagu qaban doonaa cid kasta oo falkaasi ka qayb qaadatay.waxaa dawladda ka go’an inay gacan bir ah ku qabato,Sharcigana la hor geeyo cid kasta oo lagu tuhmo inay fadqalalo ka wado dalka” ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu

Wasiirku waxa uu Bulshada Somaliland uga digay wuxuu ugu yeedhay Dacaayado raqiis ah, waxana uu Bulshada uga digay inay dhegaystaan Hadallo kasoo baxaya Siyaasiyiin uuu ku sheegay qaar siyaasadda ku asqoobay, waxana uu yidhi, “Waxaan uga digayaa Bulshada Somaliland Dacaayaddaha raqiiska ah ee lagu kala fogaynayo Bulshada Somaliland.Waxaan u soo jeedinayaa Bulshada Somaliland ee waayo araga ah inay ilaashadaan wada jirkooda iyo walaalnimadooda.waxaan bulshada u soo jeedinayaa inay iska jiraan Siyaasiyiinta siyaasadda ku asqoobay ee aan kala garanayn waxyeelada iyo waxtarka”

Wasiir Warancadde waxa uu Saxaafadda Somaliland uga digay inay baahiso Barnaamijyo nabada dhaawacaya ama ku salaysan Qabyaalad, waxana uu tilmaamay inaanay somaliland u Baahnayn baahinta iyo Fidinta dacaayadaha umadda kala fogaynaya.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment