Tuesday, November 4, 2014

Guddoomiye Cirro oo dhaliilay Hab-dhaqanka Xukuumadda ee Dhowrsanaanta Garsoorka iyo madax-bannaanida Saxaafadda

“Kulmiye wuxuu rabaa inuu ku fadhiisto saddexdii dharaarba. Wuxuu doonayaa inuu sharci-dejiyo noqdo oo garsoore noqdo oo Fuliye noqdo” – Cabdiraxmaan-Cirro

Hargeysa, 04 Nov, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku eedeyey inay ku tumatay madax-bannaanida Garsoorka iyo Saxaafadda oo uu sheegay inay ahaayeen laba qodob oo xisbiga Kulmiye xilliggii uu mucaaradka ahaa ku eedayn jiray xukuumaddii wakhtigaas talada dalka haysay.
DSC02506Guddoomiye Cirro waxa uu dhaliilay heshiisyada ku saabsan kheyraadka dalka ee xukuumaddu la gashay shirkadaha Shisheeye, kuwaas oo uu ku tilmaamay in ku-dhaqankoodu sharci-darro yahay maadaama oo aan laga horgeynin goleyaasha sharci-dejinta. Waxa kale oo Md Cabdiraxmaan Cirro cambaareeyey xadhig lagu kacay sarkaal ka tirsan xisbigiisa iyo laba suxufi oo todobaadkii hore lagu xidhay magaalada Gabiley, waxaanu xukuumadda u soo jeediyey inay sida ugu dhakhsaha badan xorriyadooda ugu soo celiso masuulkaas iyo suxufiyiinta xidhan.
“Waxaan Jecelahay inaan cambaareeyey xubin ka tirsan guddiga fulinta xisbiga Waddani Mudane Xasan Goodaad oo loo xidhay sifo sharciga khilaafsan iyadoon waaran loo keenin. Waxa layaabka lihi waxa weeye inuu la kulmo Looyarkiisii iyo Qoyskiisa iyo xaaskiisa, waxa loo diiday masuuliyiinta xisbiga, welina ma cadda cid eed u soo jeedisay oo ashkataysay. Markaa waxaanu xukuumadda u soo jeedinaynaa inay si deg-deg ah xoriyadda ugu soo celiso masuulkaas sare ee xisbiga ka tirsan.
“Waxa kale oo aanu xukuumadda u soo jeedinaynaa inay faraha ka qaaddo oo xoriyaddooda u soo celiso suxufiyiintii lagu xidhay Boorama iyo Gabiley. Waxa kale oo laysheegay in la xidhay maanta (shalay) Jiif-Caaqil Axmed Daahir Diinsoor (Guray) oo lagu xidhay magaalada Boorame isagoo u jawaabay badhasaabka gobolka Awdal. Markaa ninkii Kulmiye u jawaaba, waa la xidhayaa, laakiin xadhiggu umadda waxba ka qaadi maayo; waxay doonayaan ka joojin maayo, hadafkooda ka joojin maayo. Waxaan soo jeedinayaa in xorriyaddooda loo soo celiyo dhammaan muwaadiniintaas xidhan,” sidaas ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan Cirro.
Isaga oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi, “Waxaanu leenahay madax-bannaanida Saxaafadda oo Xisbiga Kulmiye barigii hore jeclaan jiray maantana neceb yahay, ha loo soo celiyo. Xaq bay u leeyihiin inay warka saxda ah qoraan, laakiin maaha inay af-lagaaddooaan. Siyaasaddii Kulmiye ee Saxaafaddu waxay noqotay xadhiga iyo jeelka ka cawee. Laakiin, xadhigga waad u dhabar-adaygaysaan, waa la idinka soo gaadhi Kulmiye.”
Isaga oo hadlayey heshiisyada Caalamiga ah ee xukuumaddu la gasho shirkadaha shisheeye iyo dhaliilo ka muuqda garsoorka dalka, waxa uu yidhi, “Xisbiga Waddani wuxuu soo dhawaynayaa ciddii maal-gashanaysa waddanka iyo shirkadaha shidaalka, laakiin sharci-darro ma oggola. Waxaanu leenahay sharciga mara, heshiiskaad xukuumadda la gashaan waa in baarlamaanka la horkeenaa.”
“Garsoorku wuxuu ahaa meelihii ugu muhiimsanaa ee uu Kulmiye ku ballaan-qaaday inuu hagaajinayo. Muxuu Kulmiye sameeyey? Kulmiye wuxuu ku tuntay dhowrsanaanta iyo madax-bannaanida Garsoorka. Waxaanu leenahay, madax-bannaanida Garsoorku Dastuurka ayay ku qoran tahaye, waa in la kala saaro Xukuumadda, Sharci-dejinta iyo Garsoorka. Kulmiye wuxuu rabaa inuu ku fadhiisto saddexdii dharaarba. Wuxuu doonayaa inuu sharci-dejiyo noqdo oo garsoore noqdo oo Fuliye noqdo,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna guddoomiyaha Xisbiga Waddani.

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment