Hargeysa, 03 Nov, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa beesha Caalamka ka dalbaday inay taageeraan wada-hadallada u dhexeeya dawladda Somaliya si natiijo wax-ku-ool ku fadhida looga gaadho arrimaha siyaasiga ah baahiyaadka aasaasiga ah ee isaga xidhan labada waddan, isaga oo sheegay inaanay xukuumaddiisu ka qayb-gali doonin shir arrimaha Soomaaliya lagaga hadlayo oo bishan dabayaaqadeeda ka dhacaya dalka Denmark.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu hadalkan ka sheegay wejiga todobaad ee Shirka deeq-bixiyeyaasha dhaqaalaha ku bixiya Sanduuqa Horumarinta Somaliland iyo Xukuumadda oo shalay ka dhacay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa, kaas oo ay goob-joog ka ahaayeen Wakiillo ka socday Waddamada bixiya dhaqaalaha Sanduuqa Horumarinta Somaliland oo ay ka mid yihiin Denmark, Ingiriiska iyo Norway, hay’adaha Qaramada Midoobay, kuwa Caalamiga ah iyo wefti uu hoggaaminayo Xoghayaha Guud ee Urur-goboleedka IGAD, Maxbuub Macalin, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland iyo Ururrada bulshada Rayidka ah.
Madaxweynuhu waxa uu soo bandhigay mowqifka xukuumaddiisa ee ku aaddan Shir beesha caalamku magaalada Copenhagen ee dalka Denmark ugu qabanayso Arrimaha Soomaaliya, isaga oo sheegay inaanay ajandayaasha shirkaa oo arrimaha federaalka Soomaaliya lagaga hadlayo aanu ahayn mid khuseeya Somaliland balse uu gaar u yahay waddanka Soomaaliya. Waxaanu madaxweynuhu taas beddelkeeda ka codsaday inay taageeraan wada-hadallada u dhexeeya labada waddan, isla makraana ka garsooraan ku-dhaqanka heshiisyada ka soo baxa wada-hadallada.
“Waxaan marti-qaad ka helay Madaxweynaha Somalia si aan uga qayb-galo shirka Beesha Caalamku bishan dabayaaqadeeda u qabanayso, Kheyr baan u rejaynayaa Jaarkayaga. Shirkan waxa loo qabanayaa Soomaaliya, maaha mid Somaliland khuseeya. Somaliland waa waddan ka gaar ah, qorshaha Federaalka ee lagaga hadlayo shirka Copenhagen, maaha mid khuseeya Somaliland.
Waxaan jeclaan lahaa inaan beesha Caalamka weydiistaa waxa weeye inay taageeraan wada-hadallada oo dawladda Turkigu si hagar-la’aan ah u taageertay. Waxaanu jeclaan lahayn inay wada-hadalladani natiijo keenaan oo bulshada Caalamkuna nagu taageerto xaqiijinta in labadayada dhinac ku dhaqmayaan wixii wada-hadallada lagu heshiiyey. Somaliland waxay u darban tahay nabadgelyada iyo xasilooni gobolka, waxaanay wada-hadallada uga qayb-galaysaa iyada oo ah waddan jira oo ka mid ah bulshada caalamka,” ayuu yidhi Md Axmed Maxamed Siilaanyo.
Madaxweynuhu waxa uu ka hadlay qorsheyaasha xukuumaddiisa ee ku wejahan doorashooyinka iyo Ilaalinta Xuquuqda bani’aadamka, waxaanu yidhi, “Waxaan jeclaan lahaa inaan mar kale ku celiyo inaanu diyaar u nahay sii xoojinta nabadda, xasilooniida, isbeddelka iyo qiyamka Dimuqraadiyadda ee lagu yaqaannay Somaliand, annaga oo xaqiinayna in Xuquuqda Bani’aadamka, gaar ahaan Xuquuqaha Dumarka iyo Carruurtu ay dhowrsan yihiin.
Sannadka dambe waxaanu qabanaynaa Doorashooyinka. Waa arrin culus, laakiin aniga iyo dawladdayda waxa naga go’an xaqiijinta inaanu qabanno Doorashooyin xor iyo xalaal ah oo guulaysta.
Waxaan weydiisan lahaa beesha Caalamka inay sii xoojiyaan wada-shaqaynta ay nala leeyihiin si ay Somaliland ugu suurta-gasho inay ka midho dhaliso yoolka ay hiigsanayso ee ah dhissidda waddan nabadgelyo ah, dimuqraaddi ah oo barwaaqo ah.”
Dhinaca kale, Madaxweyne Siilaanyo waxa uu beesha Caalamka, gaar ahaan waddamada Yurub ee dhaqaalaha ku taageera Sanduuqa Horumarinta Somaliland uga mahad-celiyey wada-shaqaynta ka dhaxaysa xukuumaddiisa, isaga oo faahfaahin ka bixiyey barnaamijyada ka hirgalay qorshayaal hore loo dejiyey iyo ku-talo-galka miisaaniyadda dawladda ugu jira mashaariicda horumarineed ee dhinacyada adeegyada bulshada.
“Waxaanu immika haynaa 18 milyan oo Dollar oo lagu darayo miisaaniyadda 2015-ka oo loogu talo-galay adeegyada bulshada iyo qalabayn. Tani waxay muujinaysaa dedaallada wada-shaqaynteenna,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
“Sanduuqa Horumarinta Somaliland oo ah nidaamka Dhaqaale ee dawladdu ugu talo-gashay in lagu bixiyo Qorshaha La-macaamilka u gaarka ah Somailand, waxaanu diyaar u nahay inaanu ka dhigno mid guulaysta oo Somaliland ku soo jeediya indhaha Caalamka.
Waxa jeclaan lahaa inaan ku marti-qaado inay qayb ka noqdaan hababka kale ee kor loogu qaadi karo taageerada Sanduuqa Horumarka Somaliland oo ficil ahaan u taagan Heshiiskii Cusbaa (New Deal) oo shaqaynaya,” sidaas ayuu yidhi Md Siilaanyo.
Sanduuqa Horumarinta Somaliland (Somaliland Development Fund) oo la aasaasay sannadkii 2013-dii, waxa maamulkiisa gacanta ku haya Xukuumadda Somaliland, waxaana loogu talo-galay in lagu dhaqaalihiisa inta ugu badan lagu kobciyo ilaha wax-soo-saarka dalka, waxaanu shirka madaxweynuhu shalay ka qayb-galay ujeeddadiisu ahayd mid dib loogu qiimaynayo horumarka laga sameeyey mashruucan iyo kulamo xukuumadda iyo deeq-bixiyeyaashu kaga warbixinayaan heerka laga gaadhay yoolka lagu hiigsanayso Qorshaha beesha caalamku u jidaysay inay kula macaamisho Somaliland oo aasaaskiisa lagaga dhawaaqay magaalada magaalada Brussels ee dalka Belgium bishii September sannadkii 2013-dii.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment