Friday, November 7, 2014

Soomaali Tiro Badan Oo Laga Sii Daayey Xabsiyo Ku Yaalla Dalka Masar

Qahira:Nov,07,2014(Himilo)-Xukuumadda Militerigu Hoggaamiyo ee Dalka Masar, ayaa la sheegay inay Xorriyadooda u celisay tiro kamid ahaa soomaalida Halkaas ku Nool oo muddo bilo ah Jeelasha ugu jirey.

releDadka la sii daayey oo dhallinyaro u badnaa, ayaa tiradooda lagu sheegay 15-qof, waxana ay xabsigayda ku jireen labadii Bilood ee ugu dambaysay.

Dadkan, ayaa gacanta lagu soo dhigay xilli ay ku hawlanaayeen inay ka tahriibaan xeebaha Masar, waxaana mudadii ay xidhnaayeen layskugu bed bedelay xabsiyada dalkaasi.

Hay’adda qaxootiga Qaramada Midoobe UNCHR ee dalka Masar ka hawlgasha iyo Safaarada Somalida ee Magaalada Qaahira/cairo, ayaa dadaal u galay sidii dib dadkan xoriyadoodu loogu siin lahaa.

C/laahi Faarax Wardheere oo ka mid ah dadkii xabsiyada Masar laga sii daayay, ayaa xaqiijiyay in habeenkii xalay ahaa ay dib xoriyadoodu u heleen.

C/laahi Faarax oo la hadlay laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa waxa uu u mahadceliyay dadaalada ay u galeen sii deysmadooda Safaarada Somalida ee Qaahira iyo Xarunta UNHCR ee wadanka Masar.

Marka laga yimaaddo 15-ka qofka ee xabsiyada Masar laga sii daayay, ayaa waxaa kaloo jira 6 ruux oo dadkaasi ka mid ahaa oo weli baaqi ku ah xabsiyada dalkaasi, balse waxaa la sheegay in Sabtida lagu wado in la sii daayo.

Tallaabada ay dib xoriyadoodu ugu heleen Somalidan, ayaa waxay ku soo aadeysaa, xilli Khamiistii shalay ay 20 ruux oo Soomaali ah magangelyo ka heleen dalka Mareykanka. Dadkaasi qaarkood waxay xidhnaayeen muddo laba sano ka badan.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment