
Wasiir Cukuse waxa uu ugu horrayn sharraxaad ka bixiyey sida ay waajib u tahay in la helo sharci ama xeer qabanaya saxafiga meelkasta oo uu adduuunka kaga nool yahay, isagoo lagama maarmaan ku tilmaamay in la helo xeer la raaco,
“Suxufiga iyo saxaafadduba Xeerarka caalamiga ah iyo kuwa waddaniga ah labaduba waxay ku waajibisaa waajibaad tiro badan oo ay ugu badan tahay sida uu u ilaainayo akhlaaqiyaadka Suxufiga wanaagsan looga Baahan yahay iyo nabadgelyada umaddu ay leedahay iyo kuwada noolaanshaha iyo dhaqanka wanaagsan ee umaddu leedahay iyo dhaqanka wanaagsan ee diinta labadaba, haddii uu intaas kasoo Gudbo qofkaasi waa qof dabarka goostay suxufina lama odhan karo.”ayuu yidhhi wasiir Cukuse.
Wasiirku waxa si cad u sheegay in xukuumada uu ka tirsan yahay ay Go’aan ku gaadhay in si toos ah saxafiga loogu raaco xeerka saxaafadda ee Xeer No.27, kaas oo urrurada saxaafaddu siweyn u doonayeen in loo eego marka ay dembi galaan, balse aanay maxkamaduhu sinaba ugu dhaqmi jirin,“maanta xukuumaddu waxay idiin qiraysaa in xeerkii No.27 ee saxaafadda ee Madaxweyne Daahir Rayaale Saxeexay ee Madaxweyne Axmed Silaanyo saxeexay ayaanu maanta laga Bilaabo idinku dhaqaynaa, xeerkaasina waxa uu idiin tilmaamayo akhriya, Qoddobada uu idin farayo ayeynu maanta laga bilaabo saxaafadey isku ogaanynaynaa.”ayuu yidhi Wasiir Cukuse.
Wasiirku waxa uu faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha uu xeerkani xambaarsan yahay iyo tilmaamaha uu bixinayo si loo dabaqo, waxana uu tilmaamay in dhawaan la samayn doono Guddi anshax marineed oo xeerkani waajibinay, taas oo noqon doonta cidda saxafiga gefa iyo midka lagu gefoba ka garsoori doonta, waxana uu yidhi,
“Xeerkaasi waxa uu tilmaamayaa in la sameeyo Guddi Anshax marineed oo ka Madax Bannaan cidwalba, guddidaasna ururradiina saxaafadda waanu la tashan doonnaa, Guddidaana waa la samaynayaa, iyagaana saxaafadda qiimaynaysa, xafiisna waa loo samaynayaa, iyagaana u dhaxayn doona Xukuumadda iyo saxaafadda, waxana ay ka koobnaan doonaan Suxufiyiintii waaweynayd ee intiina badani aad ku garaadsateen iyagoo saxaafadda ku jira ee aqoonta lahaa.”
Xeerka maanta xukuumaddu ku dhawaaqday inay dabaqayso, ayaa ahaa mid ay in badan ka dhego adaygaysay, waxana ay hore Maxkamuhu u diideen inay dhaqan geliyaan xeerkaas, iyagoo saxafiga fefka gala ku qaada xeerarka ciqaabta Guud.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment