“Waxaan Shacbiga u sheegayaa waxa laysku haystaa maaha Xeerkii, waa muddo-kordhin. Khilaafka ka dhex-socda Golaha Wakiilladu waa Muddo-kordhin” – Cirro.
“Waxa Illaahay mahaddii ah mar haddii maanta murankaasi soo ururay oo Guddoomiyihii Baarlamaanka oo ah guddoomiyaha xisbiga Waddani, uu khaladkii isagu uu galay ee xafiiskiisa ka baxay uu saxay…” – Muuse Biixi Cabdi
Hargeysa, 04 Nov, 2014 (Himilo)- Guddoomiyeyaasha Xisbiga Waddani iyo Kulmiye, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi iyo Muuse Biixi Cabdi, ayaa si siyaabo kala duwan uga hadlay muranka sharci ee ka taagan Golayaasha Baarlamaanka Somaliland oo isku-khilaafsan sharcinnimada xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo golaha Guurtidu dib ugu soo celiyeen Golaha Wakiillada oo xeerkan hore u ansixiyey, haseyeeshee markii guurtida loo gudbiyey khaladaad ka soo baxay.

Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Waddani Muuse Biixi Cabdi oo isaga iyo hoggaanka xisbigu shalay arrintan kaga hadleen, ayaa sheegay in la soo gebo-gabeeyey muranka sharci ee Golaha Wakiillada ka taagnaa, ka dib markii sida uu sheegay guddoomiye Cirro sixitaan ku sameeyey qaladaad xafiiskiisa ka soo baxay oo horseed u noqday khilaafka jiray, waxaanu guddoomiyaha Golaha Wakiillada ku bogaadiyey tallabadaas uu qaaday oo uu ku tilmaamay mid loo baahnaa.

Haseyeeshee, Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo shalay hadal ka jeediyey munaasibad loo qabtay taageerayaal xisbigiisa ku biiray, ayaan soo hadal-qaadin go’aan ka noqoshada iyo sixitaanka Muuse Biixi ku bogaadiyey, balse waxa uu sheegay in xeerku horyaallo Golaha Guurtida, dhammaystirkiisuna dariiqa sharciga ah lagu dhaqaajin doono.

Dhinaca kale, Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu weedho duur-xul iyo manno-sheegasho ah kaga jawaabay eedaymo axsaabta mucaaradku ugu jeediyaan muddo-kordhin xukuumaddu damacsan tahay, isaga oo soo daliishaday saddex arrimo oo xisbiga Kulmiye u dhabar-adaygay xilligii mucaaradka ay ahaayeen, wakhtiganna looga baahayan yahay axsaabta mucaaradka ah inay markooda dulqaad iyo dhabar-adayg u yeeshaan, waxaanu yidhi, “Waxay in badan yidhaahdaan qolada na eedaynaysa ee u badan Waddani, ‘Kulmiye markuu mucaaradka ahaa isagaa u qaylo-badnaa, dul-qaad muu lahayn’. Kulmiye saddex tallaabo oo uu qaaday, mucaaradka immiku ha soo gaadhaan, markaasay nala murmiye; Kulmiye 80 codbaa lagaga helay, nabadgelyada dalkuu ka doortay, wuu ka dhaqaaqay, halkaa aanu maanta (shalay) fadhinno ayaanu ku soo noqonnay, halkii uunbaanu ka wadnay. 2008-dii waa la kordhiyey, waanu ka dooday, si adag baanu uga doodnay, dheg-baa jalaq lanoo siin waayey, waliba rasaas baa nalagala daalay, waanu aqballay. Waliba ragbaa faanay inta xafiiska hortiisa boolis la keenay ayaa rasaas nalagala daalay annagoo isku dhan guddoomiye iyo guddi-fulineedba. Golaha Wakiilladaa la xidhay, laba inan oo labaatan jirro ahbaa lagu dilay, todoba kalena waa lagu dhaawacay, waanu ka dul-qaadannay, waayo mustaqbalka dalkaa ka weyn.
Haddana 2009-kii baa la kordhiyey, Kulmiye oo dhan qoladayada Fulinta iyo Guddoomiyaha, waxaanu in yar u sigannay in dadkii Kulmiye taageersanaa dhagaxaan nagu bilaaban, waanu ka daadinnay oo waxaanu nidhi berritoba waa maalin, qarankaa ka weyn baanu nidhi. 17 maalmood baanu aqalka madaxtooyada kula shiraynay Daahir Rayaale iyo UDUB, hal tallaabay dib u soo qaadi kari waayeen, sidii gabadhii wakhtigii Nebi Saleebaan laga sheegay ee la yidhi hala kala jeexo Ilmaha ee tidhi ee tidhi ‘maya aniga ha ii hadho’, ayaanu ka ogolaannay.”
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Qoladan Waddani iyo mucaaradka maanta jooga, iyadoo sannad ka hadhay wakhtigii shanta sanno ee lana doortay oo wakhtigeediiba aan la gaadhin, iyada oo qaban-qaabadii iyo weelkii doorashadaba la tolin, ayay ku dhawaaqeen dawlad wadaag ah baanu samaynaynaa. Inta aan la weydiin dawladda ay samaynayaan, ma sharcibaa, miyaanay gef ahayn. Markaa waxaanu leenahay, deg-deggan iska daaya, mucaaraddadu wakhti badan bay qaadataa, dul-qaadbaa la idinka baahan yahay, intii aanu soo marnay iyo ka badanba waa la soo mari doonaa.”
Dhanka kale, Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Md Cabdiraxmaan Cirro, ayaa ka digay halista sumcadda Somaliland iyo xidhiidhkeeda dibadda ay ku keeni karto doorashada oo wakhtigeeda dib uga dhacda, waxaau mashruuc siyaaadeed oo muddo-kordhin lagu baadi-doonayo ku sheegay muranka iyo khilaafka ka taagan golaha Wakiillada.
“Waxaan Shacbiga u sheegayaa waxa laysku haystaa maaha Xeerkii, waa muddo-kordhin. Khilaafka ka dhex-socda Golaha Wakiilladu waa Muddo-kordhin. Shacbigu ma oggola muddo-kordhin, beesha caalamka annagaa ka nimi oo ma oggola muddo-kordhin. Dib-u-dhaca Somaliland iyo ictiraaf la’aanta waxa keeni doorashada oo la qaban-kari waayo iyo dib u dhac ku yimaaddo, waxaanay noqon doontaa doorashadaas la qaban kari waayaa in Somaliland dhaawac weyni ka soo gaadho, mujtamaca dawliga ah ee ay saaxiibbada la tahayna, saaxiibbo badan ku weydo.”
Siyaasadda Xisbiga Waddani waxa weeyi inaan maalin lagu darin Doorashada, haddii doorasho la qaban-waayo tallaabooyinkii ku xigay waa noo diyaar,” sidaas ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment