
Masuuliyiinta dawladda ee kulanka soo dhawaynta ah ka qayb-galay Gudoomiye kuxigeenka Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Wasiirka Hawlaha Guud Cabdirasaaq Khaliif, Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, Xildhibaan Saleebaan Cali Koore, Siyaasi Fu'aad Aadan Cade,Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guuto Maxamed Faarax Xuseen (Xiirane), Garaad Maxamuud Garaad Maxamed iyo Garaad Maxamed Garaad Saleebaan.
Ugu horeyn, waxa hadhimo-sharafeedkan ka hadlay, Cali Baashe oo ka mid ah haldoorka Beesha Dhulbahante isla markaana kulanka soo-qaabiyey, waxaanu ka warbixiyey ujeeddada ay u qabteen kulanka qado-sharafta ah.
"Kulankan ujeedadiisu waa soo dhaweyn nimankaa odayaasha lagu soo dhaweynayo magaaladda Hargeysa, waxaanan si weyn idiinka mahad celinayaa sida aad uga soo ajiibteen dalabkayaga , ujeedada qadadu wax kale kuma saabsana, ee waxa weeyi fariintayduna tahay in Dhulmahante intii halkan joogtaa ay midoobaan si ay kuwa kalena idiinku daydaan oo ay idiin soo raacaan degaankiina aad wax ugu qabataan. Mar haddii inteenan oo dhan aynu isu nimi reerkii iyo dhulkii aynu deganayn waxa loo baahan yahay laba arrimood oo muhhiim ah in la iska war hayo, la midoobo, deegaankii iyo halkana ay iska war hayaan la iskuna xidhnaado,” ayuu yidhi Cali Baashse.
General Maxamuud Jaamac (Shoodhe Boodhe) oo ka mid ahaa masuliyiinta lasoo dhaweeyay oo isaguna goobta ka hadlay, ayaa yidhi; "Aad iyo aadbaan idiin salaamayaa, dadka halkan fadhiya, waa kuwo aanu Hargeyse ahaan isu garanayno iyo in aanu si kale isu garanayno, balse badankooda waanu is wada garanaynaa, odayaasha magaaladda Hargeysa ka mid ayaan ahaan jiray gabadh Dhulbahante oo aanan bixina way yartahay oo aniga ayaa bixin jiray aadbaynu halka ugu yareyn oo in ka badan intiina halkan joogta ma le'ekayn intii aanu Hargeysa ku joognay, laakiin waxaad mooddaa in aanu si weyn isugu xidhnayn oo dadka yar ay ka barako badnaayeen dadka badan, anigu mid kaliya ayuunbaan idin odhanayaa siday qadadan u midaysan tahay tolnimadiinuna ha u midaysnaato."
Wasiirkii hore ee Wasaarada Ganacsiga Maxamed Cali Caateeye, ayaa yidhi, "Horta wuu mahadsan yahay ninka qadadan inoo sameeyey, horta tan maalintaad baxdeen waa la is wada haystaa dalka oo dhan waxbaa ka socda ee horta Ilaahay ha inaga badbaadiyo iyo in laga shaqeeyo sidii la isugu duubnaan lahaa, waxana jirta iska warhayn la'aan baahan oo aanay cidna cida kale ka warqabin.”
Baashe Maxamuud Jaamac oo hore u ahaan jiray Wasiirkii Xannaanada Xoolaha ee Xukuumaddii Madaxweyne Cigaal, ayaa isaguna halkaas ka hadlay, waxaanu yidhi, "Kolay anigu waxaan ahaa qolooyinkii u horreeyey ee Hargeysa hawlaha ka bilaabay. Anigu waxaan ku tallinayaa waxaad midnimo ku waydaan, waxaan u malaynayaa in aynu ku helayn tafaraaruq ee midnimadda ogaada, sidii halkan ka dhacdayna waa la wada oggaa oo anigu waxaan deegaankeenii muddooyinkii dambe ahaa mucaarad, taayadiina socon wayday markaa anigu waxaan idin odhan lahaa, haddaad midowdaan waxna waa laga jari karaa dadkuna waa idinku soo hiran lahaa, mid dalka jooga iyo mid dibadda joogaba, markaa haddii la iska daba yimaado oo aanay waxba ka ahayn dee waa la iska daba iman karaa, inkastoo qolooyinka halkan joogta la yidhaa iyaga uunbaa isku filaysiiya" ayuu yidhi Baashe Cali Jaamac.
Gebo-gabadii munaasibadda, waxa ka hadlay Garaad Maxamed Garaad Saleebaan oo mahadnaq u jeediyey Cali Baashe iyo in uu meel kaliya isugu keeno haldoorkii reerka, isla markaana uu mudan yahay shahaado-sharaf lagu maamuuso. Waxa uu Garaadku soo jeediyey in Danta Guud loo midoobo isla markaana aan laga ficil-qaadan danaha shakhsiga ah ee laysku qaban karo.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment