Monday, December 29, 2014

Meydka Wadaad Ciidanka Kenya Hore Nolo ugu Qafaasheen Oo Laga Helay Goob Aan Laga Filaynin

Nairobi:Dec,29,2014(Himilo)-Meydka Wadaad Soomaaliyeed oo haystay Dhalashada waddanka Kenya, ayaa laga helay Magaalada Embu oo 120-km u jirta Caasimadda Dalkaasi ee Nairobi.

badhoWadaadka Meydkiisa la helay, ayaa lagu magacaabi jirey Sheekh Maxamed Cali Kheir, waxana maalmo k aka hor ay ciidanka Boolisku ka kaxaysteen Gurigiisa, kuwaas oo ku haystay Goob qarsoodi ah.

Meydka wadadka ayaa la dhigay allaha u naxariistee Goobaha la dhigo meydadka ee Magaaladasi waxana helay Masuuliyiinta Dowladda Kenya ee Magaaladda Gaarisa oo iyana kaga beegan 367 KM dhinca Waqooy-Bari Maagaladda Nairobi.

Dowladda Kenya weli kama aanay hadlin dilka Sheekh Maxamed Cali Kheir oo meydkiisa la helay, waxana halkaas laga dareemayaa cadho ka dhalatay dhacdadan oo dadka shacabka ahi muujinayaan.

Dilalka qarsoodiga ah ayaa waxa caan ku ah ciidanka Nabadsugidda dalkaasi, waxana dhawaan warbixin arrintan lagu baahinayo sii daayey Tv-ga Al-jazira, waxase si weyn uga cadhootay xukuumadda Nairobi.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment