Sunday, December 28, 2014

Wargeyska Madaxbannaan ee HIMILO oo Sannad-guuradiisa 1aad u Dabaal-degaya Axadda Maanta

“Waxa aannu ku dedaalnaa in aannu si guud iyo si gaar ahba uga baaraan-degno wararka iyo macluumaadka kala duwan ee loogu talogalay in lagu baahiyo wargeyska Himilo iyo Website-ka Himilomedia.com, taasna waxa aan ku kasbanay in aannu kalsooni kaga helno akhristayaasha iyo bulshada Somaliland”
Guddoomiyaha Himilo Media Group Mr. Madar Cabdi Axmed

Hargeysa, 28 Dec, 2014 (Himilo)-Wargeyska madaxbannaan ee Himilo oo ka mid ah hay’adda Himilo Media Group (HMG), ayaa u dabaal-degaya sannad-guuradiisa koowaad ee ka soo wareegta xilligii la aasaasay oo ku beegan Axadda maanta oo taariikhdu tahay 28 December 2014.
Wargeyska Himilo oo aasaaskiisu bilawday sannadkii 2013, isla markaana cadadkiisii u horreeyey soo baxay 28kii December ee sannadaas, waxa uu hadda shaqaynayey muddo 12 bilood ah, iyadoo sannad-guuradiisa 1aad ku buuxdo 28 December 2014 oo ku beegan Axadda maanta.
Jariidada Himilo oo la soo saaro shan maalmood toddobaadkiiba, marka laga reebo maalmaha Jimcaha iyo Isniinta, waxa ay ka mid tahay wargeysyada madaxbannaan ee sida joogtada ah uga soo baxa magaalada Hargeysa, wargeyskaasoo muddada sannadka ah si xidhiidh ah u soo baxay, waxa uu u shaqeeyaa qaab madaxbannaan, kana madhan fikir iyo farogelin shaqsi, koox, urur, xisbi, qabiil iyo sidoo kale dad wata dano gaar ah, balse, waxa muddada uu soo baxay ku shaqeeyey si dhexdhexaad ah, madaxbannaan, isla markaana waafaqsan anshaxa mihnada saxaafadda iyo xeerarka u yaal dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Madar Cabdi AxmedGuddoomiyaha, ahna mulkiilaha Himilo Media Group Mr. Madar Axmed Cabdi, ayaa munaasibadda xuska sannad-guuradiisa 1aad awgeed hambalyo iyo bogaadin u diray macmiisha sida joogtada ah ugu xidhan wargeyska Himilo iyo Website-ka Himilomedia.com, akhristayaashiisa gaar ah, dadka xidhiidhka wada-shaqayneed ka dhexeeyo iyo guud ahaan bulshada Somaliland ee jecel xoriyatul-qawlka iyo madaxbannaanida saxaafadda.
“Sababihii loo aasaasay wargeyska Himilo waxa ugu muhiimsanaa inuu ka qaybqaato kobcinta dimuqraadiyada, xoriyatul-qawlka iyo dawlad-wanaaga oo horeba uga hirgalay dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa sidoo kale aad noogu weyn, fiiro gaar ahna aan u leenahay xaqa ay dadweynaha iyo muwaaddiniintuba u leeyihiin inay helaan warar iyo macluumaad la xidhiidha dalkooda hooyo, mandaqada Geeska Afrika iyo guud ahaanba dhacdooyinka kala duwan ee caalamiga ah,” ayuu yidhi Mr. Madar Axmed Cabdi oo farriintiisa ugu talogalay xuska sannad-guurada 1aad inuu la wadaago akhristayaasha iyo macmiisha wargeyska madaxbannaan ee Himilo.
Waxa kaloo uu tilmaamay in muddada sannadka ah ee wargeysku soo baxay aan maalin qudha lagu dacweyn, laguna xidhin hawlwadeennadiisa warar iyo macluumaad qaldan oo lagu baahiyey wargeyska Himilo, isagoo xusay in wargeysku haysto suxufiyiin Aqoon, Waayo aragnimo iyo karti leh isla markaa ku shaqeeya mihnada warbaahinta, kana fog caadifad iyo nin-jeclaysi, sidoo kalena aan ku haboonayn dhaqanka, qiyamka iyo akhlaaqda suuban, kana soo horjeeda shareecada islaamka iyo qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.
“Waxa aannu ku dedaalnaa in aannu si guud iyo si gaar ahba uga baaraan-degno wararka iyo macluumaadka kala duwan ee loogu talogalay in lagu baahiyo wargeyska Himilo, taasna waxa aan ku kasbanay in aannu kalsooni kaga helno akhristayaasha iyo bulshada Somaliland, maadaama aan weli ciddi nagu arag warar been-abuur ah ama sidoo kale aan wadan ilaha laga soo xigtay, warkuna ka soo baxay, iyadoo aannu sidoo kale ka shaqayno in wargeysku baahiyo barnaamijyo kala duwan oo la xidhiidha wargelin, madadaalo, waxbarid iyo wacyigelin, waanan ku faraxsanahay in aan maanta u dabaal-degno sannad-guurada 1aad ee wargeyska, taasoo aannu jecelanahay in akhristayaasha iyo macmiishuna nala wadaagaan,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Himilo Media Group.
Guddoomiyaha Himilo Media Group iyo guud ahaan maamulka, hawlwadeennada iyo shaqaalaha Himilo, waxa ay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan macaamiisha gaarka ah ee sida joogtada ah ugu xidhan wargeska Himilo, lana socday muddada sannadka ah ee uu soo baxay, iyagoo sidoo kale hambalyo taas la mid ah u diraya hay’adaha kala duwan ee xidhiidhka wadashaqayn ka dhexayso.
Intaasi ka dib akhristayaal goor dhaw waxaanu idiin soo gudbin doon xaflada xuska sanadguurada koowaad ee wargeyska Himilo oo ka qabsoontay crown Hotel ee caasimada Hargeysa.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment