Madaxweyne Siilaanyo ayaa safarkiisa waxa ku wehelinayey Wasiirro ay kamid ahaayeen Arrimaha Dibadda iyo Madaxtooyadu, iyadoo sidoo kale ay wehelinayeen Xildhibaano iyo Shakhsiyaad kale oo Madaxtooyada shaqadoodu la xidhiidho, isla-markaana madaxweynaha si gaar ah iskugu dhaw yihiin.Magaalada Djibouti ayaa la filayaa inay ka furmaan Wada-hadallo u dhexeeya somaliland iyo Somalia,kuwaas oo ay labada madaxweyne Ibo furi doonaan, isla-markaana Beesha caalamku dabada ka riixayso.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi oo ka hor intii aanay waftigu duulin warbaahinta la Hadlay, ayaa Hadalkiisa ku sheegay inay ka qaybgeli doonaan wada hadal ay la leeyihii dhigoodda Somalia, kaas oo aanu faahfaahin ka Bixinin, balse uu sheegay inay soo noqodka faahfaahin doonaan.
Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa la sheegayaa inuu wada Hadalladan dhexdhexaadin doono, waxana Goob joog ka noqon xubno beesha caalamka ka socda oo Arrimaha Wada Hadallada si dhaw u la socday oo ay xukuumadda Turkigu Kaalin weyn ku leedahay.
Wada-hadallada labada dhinac ayaa lagu wadaa inay Toddobaadkan Bilaabmaan, waxana ay dib uga dhaceen Toddobaadkii hore oo la doonayey inay bilaabaan, iyadoo sababtuna ahayd Madaxweyne Xasan Sheekh oo Magacaabista Ra’isal wasaaraha ku mashaqaysnaa.
Himilo
No comments:
Post a Comment