Munaasibad loo qabtay dhagax-dhigga xaruntan oo weftiga wasiirka ka sokow ay goob-joog ka ahaayeen wasiiru-dawlaha Maaliyadda, Md. Cismaan C/laahi Saxardiid Cadaani, badhasaabka Gobolka Togdheer, Maayarka degmada Burco iyo dadweyne tira-badan, waxa ka hadlay Maayarka degmada Burco Maxamed Muraad, waxaana hadalladiisa ka mid aha, “Wasiirka Biyahu shan ceel uu deegaanka ka qodayo wuu magacaabay, ceelka Cali ciise, waxaan leenahay wasiir Cadaani wuu ku saran yahay,”Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) oo ugu dambayn xafladaa ka hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin dhagaxdhiga xaruntan hooyada iyo dhalaanka ee Cali Ciise oo baahiweyn loo qabay, hadal kooban uu ka jeediyeyna waxaanu yidhi, “Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu dhamaystirka dhisamahni noqdo mid adeegyada caafimaad uu bixin doono dadku ka faa’iidaystaan.
Dhinaca kale, socdaalkan deegaanka Cali Ciise ka hor oo Dr. Saleebaan Xagla-toosiye iyo Md. Caddaani ku soo mareen xarunta gobolka Daadmadheedh ee Oodweyne, waxa ay ku wareejiyeen maamul deegaanka deeq qalab caafimaad oo loogu tallogalay cusbitaalka guud ee Oodweyne.
Wasiirka iyo weftigiisa, ayaa la filayaa inay uga sii gudbaan magaalooyin kaloo ka tirsan gobolka Togdheer oo dhismayaal xarumo caafimaad cusub dhagax-dhigaan, isla markaana kuwo dhismayaashoodu dhamaadeen xadhiga kaga jaraan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment