Wednesday, December 24, 2014

Soomaali isaga gudbay Maraykan, Al-Shabaab illaa Daacish oo lagu dilay Suuriya

Kobani, 24 Dec, 2014 (Himilo)- Wiil Soomaali ah oo ka garab-dagaallamayey Kooxda labaxday Khilaafada dawladda Islaamiga ah ee Daacish ama ISIS, ayaa la sheegay in lagu dilay dagaal ay Kooxdu gashay oo ka dhacay dagalka Suuriya qaybta ay Kooxdu ka dagaallanto, Wiilkaas oo la sheegay inuu dhawr sano ka hor ku biiray Kooxda Al-Shabaab markii uu ka soo dhoofay waddanka Maraykanka oo uu degganaa, isla markaana wax ku bartay.
SOOMAALI DAACISH U DAGAALLAMAWiilkan oo Soomaali-Maraykan ah oo haysta dhalashada dalka Maraykanka, ayaa la sheegay in uu tan iyo bilawgii sannadkan ka tirsanaa Kooxda Daacish ama ISIS, waxaana Wiilkan Magiciisa lagu sheegay Maxamed Cabdillaahi Xasan.
Saxaafadda caalamka ayaa baahiyay in la aamisan yahay in wiilkan Soomaali-American-ka ah uu ku noolaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota oo ah gobolka ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan ee deggen waddanka Mareykanka.
Xasan ayaa la sheegay in lagu dilay dagaal ay kooxda ISIS doonaysay inay kula wareegto magaalo ka tirsan Suuriya laguna magacaabo Kobani. Iyadoo warbahinta qaar ka mid ah ay magaca wiilkan ku sheegtay Maxamed Miski iyo Abuu-Yuusuf.
Wararka ayaa intaas ku daraya Soomaaligan dhalashada waddanka Maraykanka haystay ee lagu dilay dalka Suuriya uu hore uga mid ahaa dagaalyahannada Malleeshiyada Al-shabaab ee ka dagaallanta dalka Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal Barkulanka Shabakadda Internetka ee Facebook-ga laga soo geliyay waddanka Ciraaq.
Sidoo kale, Wiilkan ayaa la sheegay inuu ka baxay Iskuul lagu magacaabo Roosevelt High School oo ku yaalla Seattle oo ka tirsan Washington oo uu dhiganayay illaa 17-jirkiisii, balse uu u dhoofay Soomaaliya kuna markii u dambaysay, isla markaana la sheegay inuu Soomaaliya kaga biiray Kooxda Al-Shabaab.
Wargeyska New York Times, ayaa qoray in Maxamed uu 03-dii bishii August sannadkii 2008-dii uu ka tegay magaalada Minneapolis, isla markaana uu u soo kicitimay markaas dhinaca dalka Soomaaliya, markaasoo ahayd markii ugu horreysay ee uu ku biiray kooxda Al-shabaab.
29-kii bishii koowaad ee sannadkan dhammaanaya ee 2014-ka, ayuu Maxamed Cabdillaahi ku qoray Bar uu ku leeyahay Shabakadda Twitter-ka. “Wadnahaygu wuxuu yaallaa Shaam…Indhahayguna waxay eegayaan Masjidul Aqsa…Nateyduna waxay jirtaa Soomaaliya.” Weedhahaas ayaa la sheegay inuu Maxamed ku qoray barta uu ku leeyahay Bogga Twitter-ka.
Bogga Twitter-ka ee Maxamed Cabdillaahi Xasan waxaa si rasmi ah u xidhay Shirkadda Boggan iska leh ee maamulkeedana gacanta ku haysa oo mararka qaar bogagga dadka isticmaala ay uga shakido inay yihiin amaba u aragto Argaggixisada waxa loogu yeedho xidha. “Waxaa la iga xidhay Bartayda Twitter-ka 12-jeer, laakiin weli waan isticmaalayaa… taasina waxay caddeynaysaa arrin aanan sababteeda ku sheegi karin halkan.” Weedhahaas ayaa Warbaahinta qaarkood faafiyeen inuu Maxamed ku qoray Baraha Facebook iyo Twitter-ka intaan toos looga wada xidhin sida ay Warbaahinta warkan heshay faafisay.
Maaha markii ugu horreysay ee la sheego in Wiil Soomaali ah oo waddamada Qurbaha uga soo dhoofay waxa hadda Jahaad-doonka loogu yeedho ee ay wadaan Ururrada Reer Galbeedka iyo Maraykanku ugu yeedhaan Argaggixisada sida Daacish, Al-Shabaab iyo Shabakadda Al-Qaacida.
Hase-yeeshee, marar badan oo hore ayay dhalinyaro Soomaaliyeed oo sidan oo kale ugu biiray Kooxahaas la sheegay in lagu dilay dagaallo ay galeen, iyaga oo Kooxda Daacish ee ka dagaallanta qaybo ka tirsan dalalka Ciraaq iyo Suuriya ay dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed ku jiraan, qaarkooodna ku dhinteen dagaallo ay ka qayb-qaateen oo ay kooxdu gashay.
Himilomedia.com
Hargeysa-SomalilandSOOMAALI DAACISH U DAGAALLAMA

No comments:

Post a Comment