Sunday, January 18, 2015

Boqolaal Soomaali ah oo sameeyey Mudaharaad ay kaga soo horjeedaan Sawirro lagu aflagaadeeyey Nebi Maxamed CSW

Muqdisho 18 Jan, 2015 (Himilo)- Ardayda jaamacadaha Muqdisho qaarkood ayaa shalay abaabulay mudaharaad ay kaga soo horjeedaan wargeyska Charlie haldo ee ka soo baxa dalka Faransiiska oo lagu aflagaadeeyey nebi Maxamed CSW, uguna baaqay ummada islaamka inay muujiyaan dareenka ay kaga soo horjeedaan arrinkaa.
Mudaharaadka shalay ay soo qabanqaabiyeen dhalinyarada jaamacadaha Muqdisho qaarkood, kana qeybgaleen culimadda islaamka qaarkood ayaa si adag uga hadlay arrintan gefka ku ah ummada islaamka ee wargeyskaasi caadaysatay, uguna digay wadamada reer Galbeedka guud ahaan iyo wadanka faransiiska inay ka waantoobaan, hadii kale ummada islaamku guud ahaan jawaabo ka bixin doonaan.
Sheekh Abuukar Xasan Macalin, oo ka mid ah cullimada sida weyn looga yaqaan dhulka Soomaalida ayaa si adag uga hadlay falalka wargeyska Charlie heldo caadaystay ee lagu aflagaadeynayo sharafta Nebi Maxamed CSW, digniina ugu jeediyey wadamada Reer Galbeedka hadii ay wax ka qaban waayaan, isla markaana jawaab ka bixin waayaan, ay waajihi doonaan talaabooyin ummada islaamka guud ahaan dunidu kaga falceliyaan ficilkooda khaldan.
Wargeyska Charlie habdo oo xilliyo kala duwan lagu soo daabacay sawiro lagu aflagaadeynayo Nebi Maxamed CSW ayaa dhowaan weerar rag hubaysan ku qaadeen xaruntiisa ku dileen xubno badan oo ka mid ah suxufiyiintii wargeyskaa.

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment