Tuesday, January 20, 2015

Laba Gawaadhida Rakaabka Qaada Oo Lagu Afduubay Magaalada Kala-Baydh Iyo Sababaha Keenay

Hargeysa 20 January, 2015 (Himilo)- Laba gawaadhida rakaabka qaada oo u kala safrayey magaalooyinka Wajaale iyo Boorama ayaa lagu afduubay magaalada Kala Baydh ee gobolka Gabiley, sida uu xaqiijiyey guddoomiyaha shirkada socdaalka ee Bari Iyo Galbeed Maxamed Nuur Xirsi.
indexGuddoomiye Maxamed Nuur ayaa sheegay inay jiraan baabuur ay leeyihiin oo lagu afduubay deegaanka Kala Baydh, oo rakaabka saarnaa baabuurtaasi u socdeen Boorame iyo Wajaale waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Runtii dhacdadani way jirtaa, waana arrin fool xun, laba baabuur oo ka mid ah Gaadiidka shirkada socdaalka Bari iyo Galbeed oo u kala socday Magaalooyinka Wajaale iyo Boorama ayay ahaayeen gaadiidkaas oo loogu tala galay in la burburiyo furayaashiina laga qaaday dirawalintii ayaa waxaa soo gaadhay ciidanka iyo dad gurmad ahaa oo ka shaqeeyay shirkada.” Ayuu yidhi guddoomiyaha shirkadaasi.
“Maalin dhawayd oo ilaa toban maalmood ka soo wareegen ayaa mid ka mid ah gaadiidka shirkadu waxa uu ku jiidhay magaalada Kalabaydh wiil dhalinyaro ah kaas oo u dhintay dhaawicii ka soo gaadhay shilka Baabuur, arrinkaas oo ka shirkad ahaan aad uga xunahay, waxaanu u tagnay reerkii inanka yar waanan u tacsiyadaynay, Inankiii dirawalka ahaa iyo gaadhigiiba waa ay xidhan yihiin , hawshiina waanu galnay qaabkii shilkan u dhacay iyo sidoo kale ka shirkad ahaan isku waafajin lahayn sharciyada Shirkada taas oo aanu isla garanay inanka dirawalka ah iyo cidii uu ka soo jeeday in magtii la bixiyo “

sidoo kale guddoomiyaha shirkada socdaalka ee Bari iyo Galbeed waxa uu eedayn u soo jeediyey cuqaal ay ka wada hadleen sidii loo dhamayn lahaa khasaaraha dhimashada ah ee ka dhashay shilkii baabuur waxaanu yidhi “Waxaanu usoo ambabaxnay Gabiley, oon ku balansanayn odayaasha iyo Cuqaashii ka soo jeeda marxuumkii ku dhintay Shilka laakiin waxaan is lahaa cuqaasha iyo madax dhaqameedkii waxbay isku soo dhawaysaa taas ma dhicin oo afka lagama dhawree wiilka darawalka ka ahaa gaadhiga shilka gaystay ayaa ahaa dadkan la hayb sooco kaas oo ay odayaashaasi si quudhsi leh ku sheegeen in aanay nin qabiilkiisu yahay dadka la hayb sooco aanay mag ka qaadanayn taas oo arrinkii aan u soconay kala fogaysay waxaana ayaan daro ah caaqilka fikirkaa khaldan aaminsan anigoo Gobolkan Gabiley ka soo jeeda ayaa marnaba aan islahayn dadkaygu ma sidan ayay cusuriyiin u yihiin.”
Guddoomiyaha shirkada socdaalka ee Bari iyo Galbeed waxa uu sheegay sida lagu baahiyey shabakada Hadhwanaag, inay shirkad ahaan diyaar u yihiin in xal laga gaadho arrintaasi waxaanu yidhi “ Anagu ka shirkad ahaan diyaar ayaanu u nahay in xal laga gaadho hawshaa dhacday, reerkii uu ka dhashay inanka darawalka ahina waa la diyaar magtii iyo waan waan kasta, markaa waxaan ugu baaqayaa umada inaan wax khaldan laga dhaadhicin dhacdadanina waxay noqonaysaa mid bar madow ku ah guud ahaan Gobolka Gabiley oo dhacda aad fool xun hore uga dhacday lana wada ogaa raadkii ay reebtay markaa tana yaan laga dhigin tii labaad ee sumcada gobolka aynu illaalino " ayuu yidhi guddoomiyaha shirkada socdaalka ee Bari iyo Galbeed Maxamed Nuur Xirsi
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment