Saturday, January 10, 2015

Madaxweynaha Somaliland Oo Kullan La Yeeshay Wefti Ka Socda Dalka Turkiga

Hargeysa (Himilo)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay wefti ka socda dalka Turkiga oo booqasho ku joogay dalka maalmahan ujeedadooduna ahayd sidii ay xidhiidh ganacsi ula yeelan lahaayeen Somaliland weftigaasi oo uu hogaaminaayey Mr mohmeh tors.
Madaxweynaha oo kulankaasi ka hadlay ayaa weftigan uga mahadnaqay imaatinkooda, isaga oo madaxweynuhu warbixin ka siiyey marxaladihii ganacsiga Somaliland soo maray iyo halka uu maanta taagan yahay oo ah mid la dareemi karo inuu yahay xalaal iyo xorba, beesha caalamkuna ay u dhegtaagtay jeclaysatayna inay Somaliland la sameeyaan xidhiidh ganacsi, ka dawlad ahaana aanu soo dhawaynayno cid kasta oo ka qaybqaadanaysa sidii ay horumar iyo maalgashiba ugu samayn lahaayeen dalka Somaliland.
Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Ganacsiga Somaliland, Dr Muuse Qaasim, Wasiirka Arrimaha dibeda Mudane Maxamed Biixi Yoonis, wasiirka Qorshaynta qaranka Dr. Sacad Cali Shire, wasiirka Arrimaha mudane Cali Maxamed Warancade, wasiirka Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, wasiir ku xigeenka Ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir, Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali.
Kulankan sidii uu u dhacay iyo waxyaalihii lagaga wada hadlay dhegayso.
HALKAN KA DHEGAYSO

[audio mp3="http://himilomedia.com/hmg/wp-content/uploads/2015/01/Codadka-kulanka-weftiga-Turkiga.mp3"][/audio]
HALKAN KA DAAWO

[gallery ids="13608,13607,13606,13605,13604,13603,13602,13601,13600,13599,13598,13597,13596"]

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment