Sunday, January 11, 2015

Xildhibaannada Aqalka Wakiillada oo Dhaliilo Isugu jeediyey Xil-gudashada Qodob Dastuuri ah oo markii u horeysay Golahaasi waajibkiisa ka gutay

“Nin xildhibaan ah oo aan golaha iman jirin oo inta loo yeedho la odhanayo kaalay oo farta taag, waxaan qabaa inay tahay masaa’ib golaha haysata”

“Haddii tirada badan loo hoggaansami waayo oo inta badan waxay doonayso la raaci waayo, ma waxa la raacayaa kow iyo toban qof oo aan barako badan lahayn.”

Hargeysa, 11 Jan, 2015 (Himilo)- Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Xisaab-xidhyada lix miisaaniyad-sannadeed laga soo bilaabo sannadkii 2008-dii ilaa 2013-kii kuwaas oo muddadaasba horyaallay golaha oo ka cago-jiiday dib-u-eegista xisaab-xidhyada oo ah qodob dastuuriya oo xil ka saaran yahay Golaha inay dib u hubiyaan qaabkii loo isticmaalay miisaaniyaddii la ansixiyey.

DSC00697Fadhi 24 ee kal-fadhiga 26aad ee Golaha Wakiillada oo mudaneyaashu shalay isugu yimaaddeen, waxa  shir-guddoominayey Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golahaas Baashe Maxamed Faarax, waxaana ka ka soo xaadiray 59 mudane oo ka tirsan 82-ka xildhibaan ee golahaasi ka kooban yahay.

Mudaneyaasha fadhiga ku sugnaa oo badankoodu ahaayeen xildhibaannada muxaafidka ah, ayaa isla markiiba durduro ku ansixiyey xisaab-xidhyada miisaaniyad-sannadeedyadii 2008 ilaa 2013, waxaana oggolaaday in la ansixiyo 43 mudane, 13 xildhibaan way diideen halka 2 xildhibaanna ay ka aamuseen, guddoomiyuhna ma codeynin, waxaanu shir-guddoonku sidaas ku shaaciyey in aqlabiyadda goluhu sidaas ku ansixiyey lixda xisaab-xidh oo noqonaysa markii u horeysay muddadii goluhu jiray oo dib loo eego xisaab-xidhka miisaaniyadda dawladda.

Doodda Mucaaradka iyo Muxaafadka

Tallaabada goluhu shalay ku meelmariyey xisaab-xidhyada miisaaniyadaha is-gaadhay oo ay ku kala aragti duwan yihiin mudaneyaasha golahaasi cidda iska leh masuuliyadda dib-u-dhacyada ku yimi anisixintooda, waxa siyaabo kala duwan uga hadlay xildhibaannada mucaaradka ah iyagu ku doodaya inay tahay markii u horeysay ee golaha loo soo gudbiyo xisaab-xidhyada, halka mudaneyaasha muxaafadka ahi kaga doodeen in Golahoodu ka gaabiyey inay gutaan waajibkii ay qaranka u hayeen.

Go’aanka aqlabiyadda mudaneyaasha goluhu ku meelmariyey xisaab-xidhyada iyo qaabka loogu codeeyey, waxa af-duub golaha lagu sameeyey iyo sharci-jebin qodob dastuuri ah ku tilmaamay guddoomiyaha Guddi-hoosaadka daba-galka iyo ilaalinta Hantida Qaranka Xildhibaan Maxamed Cali (Obama) oo guddigoodu baadhis iyo dib u eegis ay ku samaysay dokumentiyada xisaabyada ay uga soo baxday khaladaad iyo mad-madow ku jiray, waxaanu sheegay in gebi ahaanba la baalmaray soo-jeedin ay guddi ahaan golaha hordhigeen in la saxo wixii khaladaad ah ee jira ka hor inta aan la ansixin.

Xildhibaan Maxamed Cali oo ka tirsan mudaneyaasha Mucaaradka ee Golaha Wakiillada, waxa uu sheegay in ay tahay markii u horeysay ee Golaha la horkeenno xisaab-xidhyada, isaga oo tallaabada golaha ku ansixiyey ku sheegay mid meel ka dhac ku ah sharafta iyo karaamada Golaha maadaama sida uu sheegay loo hoggaansami waayey in loo maro xeerarkii waajibka ahaa in loo raaco ansixinteeda.

GGGG5“Waxaanu u aragnay wixii maanta (shalay) Golaha ka dhacay mid fowdo ah oo aan xeerkii loo raacin. Waxaanu u aragnaa inaanay xildhibaannadu akhriyin oo aanay ogeyn waxaas ay ansixiyeen, waxaanu golaha keennay oo tusnay inay wax badan ka khaldan yihiin. Waa arrin aad iyo aad u fool-xun hanta-dhowrihii Guud iyo Xisaabiyihii Guud oo qalday  Isku-darkii (Miisaaniyadda) oo lacag 1.6 milyan oo Doolar ahbaa ka maqan,” sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Cali oo warbaahinta la hadlay ka dib fadhigii goluhu shalay yeeshay.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Guddigan ayaa ka shaqaysay oo eegtay, golahana u soo bandhigtay sida uu xisaab-xidhkani yahay ama muuqaalka uu leeyahay. Guddiga ahaan waxaanu qabnaa inuu ahaa inqilaab xisaabeed oo meesha ka dhacay, waxaanu qabnaa inaanu goluhu sidan ku sii shaqayn karin. Nin xildhibaan ah oo aan golaha iman jirin oo inta loo yeedho la odhanayo kaalay oo farta taag, waxaan qabaa inay tahay masaa’ib golaha haysata. Waxaan doonaynaa inay umaddu nala aragto waxa meesha yeela. Guddi shaqaynaysa oo magaca iyo sumcadda golaha ilaalinaysana lama oggola.”

Dhinaca kale, Xildhibaannada muxaafadka ah oo iyaguna warbaahinta la hadlay fadhiga golaha kaddib, ayaa bogaadiyey mudaneyaasha shalay ka soo xaadiray fadhiga, balse waxay ay dhaliil badhkeed ay leeyihiin u jeediyeen xildhibaannadii ka soo horjeestay ansixinta xisaab-xidhyada.

Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo ka tirsan mudaneyaasha shalay u codeeyey Xeerka, ayaa ku dooday in go’aanka goluhu shalay meel-mariyey ay bilow u tahay xil-gudashada waajibaadka ay qaranka u hayeen ee hore looga seexday, waxaanu yidhi, “Wax badan bay dadweynuhu yidhaahdaan Goluhu ma shaqeeyo, shaqo-la’aanta golaha lagu canaanayana waxa ka mid ah xeerarka iyo xisaab-xidhada lanoo soo gudbiyey muddo sannadood ka hor ah ee golaha loo qaybiyey ee aanu intaas oo dhan haysannay inaanu maanta ansixinnay. Golaha waan u hambalyeynayaa, dadweynahana waan ugu bushaareynayaa goluhu inuu u soo jeestay shaqo iyo wixii ku siigaystay agtiisa in hadda wixii laga bilaabo uu dib uga shaqaynayo.”

Waxa kale oo xildhibaanku sheegay, “Waxa ayaan-darro ah Xeerkii booliska madaxweynuhu wuxuu dib noogu soo celiyey bishii labaad ee sannadkii hore, 11 bilood buu xeerkii boolisku na agyaallaa, muhiimadda boolisku u leeyahay dalkana waa la garanayaa. Waxaan rejaynayaa xeerkaas iyo xeerarka kale ee agtayada ku siigaystay inaanu hadda u soo jeedsanno,” ayuu yidhi Md Siciid Maxamed Cilmi.

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdilaahi Xuseen Cige (Balaaki), ayaa yidhi, “Ninka shan sannadood xisaab-xidh loo keenay iska haystay, ma umadda iyo wixii loo soo igmaday buu ka shaqaynayaa iyo mise wax kale? Waxaynu ka hadlaynaa inaynu umadda u shaqayno, Gole la soo doortay baynu nahay, xisbiyada iyo goleyaashana waxa loo doortay inay wax dhaqaaqaan. Haddii tirada badan loo hoggaansami waayo oo inta badan waxay doonayso la raaci waayo, ma waxa la raacayaa kow iyo toban qof oo aan barako badan lahayn.”

No comments:

Post a Comment