Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka Somaliland Md Xuseen Axmed Caydiid, ayaa gebi ahaanba baal-maray isla markaana jabiyey ku-dhaqanka iyo dabba-qaadda Xeerka Wareejinta Maxaabiista oo Madaxweynaha Somaliland digreeto ku dhaqan-geliyey 21 March ee 2012-kii.
Xeerkan oo ka soo baxay isla markaana ay meel-mariyeen Goleyaasha Sharci-dejinta ee dalka, ayaa ka kooban qodobbo isugu jira waajibaadka saaran ee looga baahahay inay fuliyaan Masuuliyiinta Wasaaradda Cadaaladda iyo Saraakiisha Xabsiyada halka sidoo kale ay kaga xusan yihiin qodobbo tilmaamaya xuquuqaha ay leeyihiin Maxaabiista ku jirta Xabsiyada dalka ee laga soo wareeyey waddamo kale iyo kuwa wareejinayo waddamo kale haddii ay timaaddo.
Qormadii shalay waxaanu akhristayaasha halkan ugu soo gudbinnay qodob ku jira xeerka oo ku-dhaqankoodu si gaar ah ugu waajibinaya wasiirka Cadaaladda, kaas oo Md Xuseen Axmed Caydiid si badheedh ah u baal-maray, waxaanay qodobkaasi sheegayaa in faafinta Qaranka lagu baahiyo Heshiisyada waddamada shisheeya lagula galo soo-wareejinta Maxaabiista lagu xidho Xabsiga Somaliland, balse aanu wasiirku u hoggaansamin.Qormadan maanta waxa aanu ku soo qaadanaynaa Qodobka 15aad ee Xeerka Soo-Wareejinta Maxaabiista, kaas oo ka hadlaya Kormeerid iyo Hubinta Maxbuuska la soo Wareejiyey iyo wareysigiisa si waafaqsan heshiisyada caalamiga ah, qodobkaas oo wasiirku gebi ahaanba baalmaray dhaqangelintiisa, isaga oo meel kaga dhacay xuquuqdii maxaabiista ee Qodobkani jidaynayo.
Qodobkan ka hadlaya Xuquuqa Xeerkani u jideeyey Maxaabiista ku jirta Xabsiyada dalka ee laga soo wareejiyey waddamo kale, ayaa odhanaya sidan:- “Kormeerayaasha waddaniga ah ama kuwa goboleed amase kuwa caalamiga ah waxaa loo ogolaanayaa inay si buuxda u kormeeraan oo ay hubiyaan maxaabiista la soo wareejiyey si waafaqsan heshiisyadda calaamiga ah ee wareejinta maxaabiista oo ka mid tahay xaq u lahaanshaha inay waraystaan maxabiista la soo wareejiyey iyadoo ayna la joogin hay’adaha dawladda ee dalku.”
In kasta oo qodobkaasi Sidaas u qeexayo Xuquuqda Maxaabiista, Wasiirka Cadaaladda Somaliland waxa uu hor istaagay isla markaana meesha ka saaray in kormeer lagu sameeyo isla markaana xog-waraysi lala yeesho maxaabiista, ha ahaadaan Ururrada u dooda Xuquuqda Aadamaha, Suxufiyiinta warbaahinta caalamka iyo kuwa maxalliga ah.
Go’aanka Wasiirku ku duudsiyey Xuquuqda Maxaabiista, ayaa soo if-baxday dhowaan markii Wariye ka tirsan Warbaahinta Madaxa-bannaan ee Somaliland saraakiisha Xabsiyada dalka qaarkood ka dalbaday xog-waraysi uu ka qaado qaar ka tirsan maxaabiista, balse sarkaalkaasi ku war-geliyey in digreeto wasiirka ka soo baxday lagu joojiyey dhammaan booqashada iyo kormeerka suxufiyiinta Maxalliga, kuwa Heerka Caalami ah iyo ururrada Xuquuqal Iinsaanku ku booqan jireen Maxaabiista Xabsiyada ee laga soo wareejiyey waddamada kale, sida budhcad-badeedda oo kale.
Haseyeeshee, waxa xusid mudan in farqadda labaad ee qodobkani tilmaamayso xeer-nidaamiye Wasiirku ka soo saarayo nidaamka ay kormeerayaasha Caalamka iyo kuwa Maxalliga ahi ku booqanayaan maxaabiista.
La soco qodobbo kale oo wasiirka cadaaladdu ka baaqsaday ku dhaqankooda oo ku jira Xeerka wareejinta maxaabiista, kuwaas oo dhaqan-gelin la’aantoodu saamayn taban ku yeelanayso guud ahaan nidaamka shuruucda iyo garsoorka Somaliland gudo iyo dibedba xilli cabasho xooggan ka taagan tahay fulinta masuuliyiinta u xil-saaran.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment