Burco, 12 Feb, 2015 (Himilo)- Wefti ka kooban Madax-dhaqameedka ugu miisaanka culus gobolka Buuhoodle isla markaana uu hoggaaminayo Jiif-Caaqil Ismaaciil X. Cabdillaahi Cumar Camay, ayaa maanta ku soo wejahan magaalada Hargeysa, kuwaas oo jawaab u ah gogoshii nabadeed ee madaxweyne Siilaanyo u fidiyey wax-garadka iyo madax-dhaqameedka Buuhoodle.

Weftigan oo shalay subaxnimadii ka soo amba-baxay magaalada Buuhoodle isla markaana shalay fiidnimadii ku soo hoyday magaalada Burco, ayaa ujeeddada socdaalkoodu la xidhiidhaa nabadeynta iyo isku-soo-dhawaynta bulshada ku dhaqan gobolka Buuhoodle, waxaana la sheegay in Garaad Cabdirashiid Garaad Soofe Duraan oo dhawaan lagu caleemo-saaray magaalada Buuhoole uu u soo igmaday inay ka soo shaqeeyaan nabadgelyada iyo xasillinta gobolkaas Buuhoodle, isla markaana wada-xaajood la yeeshaan xukuumada Somaliland, taas oo jawaab u ah gogol-nabadeed madaxweyne Siilaanyo hore ugu fidiyey wax-garadka Buuhoodle.Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-Toosiye) oo ay weheliyaan Badhasaabka Gobolka Buuhoodle, Aqoonyaho Iyo Waxgarad ka soo jeeda gobolkaasi, ayaa madax-dhaqameedkan kaga hortagay isal markaana soo-dhawayn ballaadhan kaga hortagay deegaanka Beer oo dhinaca Bari ka xiga magaalada Burco, iyada oo markii dambe u soo galbiyey gudaha magaalada Burco oo laga dejiyey Hotel Plaza ee magaaladaas oo weftigu xalay u hoyday.
Madax-dhaqameedkan oo noqonaya weftigii ugu miisaanka Cuslaa ee ka yimaadda Buuhoodle, ayaa sida la sheegay ka kooban 12 xubnood oo haldoorka madax-dhaqameedka, Wax-garadka iyo Culimada gobolka Buuhoodle, waxaanay kala yihiin Chief Caaqil Ismaaciil X Cabdillaahi Cumar Camay, Caaqil Maxamed Diiriye Cabdulle, Caaqil Maxamed Ismaaciil Kooreeye, Caaqil Cabdillaahi Xasan Qanbi, Caaqil Axmed Cabdi Hiray, Caaqil Cali Jaamac Shariif, Caaqil Cabdinaasir Budhcad, Odey Maxmuud Cali Qawdhan, Odey Cabdiqaadir Caydiid Hangool, Odey Cabdillaahi Ismaaciil Haliil, Odey Maxamuud Bacaluul iyo Sheikh Muuse Ismaaciil Dhawre, kuwaas oo la filayo in maanta gelinka hore soo gaadhaan magaalada Hargeysa.
Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa tiraba dhowr jeer gogol-nabadeed u fidiyey madax-dhaqameeda iyo wax-garadka gobolka Buuhoodle, balse waxa socdaalka weftigani noqonayaa jawaabtii u horeysay ee gogoshaas nabadeed oo aan hore u suurto-galin.
Socdaalka Madax-dhaqameedka Buuhoodle ee Hargeysa, ayaa ku soo beegmaysa dhowr todobaad kaddib markii magaalada Buuhoodle lagu caleemo-saaray Garaadka Guud ee gobolkaas Garaad Cabdirashiid Garaad Soofe Duraan oo sida wararku sheegayaan isagu soo diray madax-dhaqameedka waxa-xaajood gogol-xaadh u ah gogol nabadeed oo lagu xaliyo tabashada beelaha ku dhaqan gobolkaas iyo heshiisiinta shacabka Ood-wadaagta ah ee gobollada Togdheer iyo Buuhoodle oo shaqaaqooyin soo noq-noqday sannadihii u dambeeyey ku dhexmareen deegaanno ka tirsan gobolka Buuhoodle.
Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed oo ka qayb-galay munaasibadda caleemo-saarka Garaadka oo uu ka jeediyey khudbad dareenka dadweynihii ka qayb-galay xafladda soo jiidatay, ayaa Garaadka ugu baaqay inuu ka shaqeeyo isla markaana hawl-galkiisa ugu horreeyaa noqdo sidii uu nabad waarta uga dhalin lahaa Gobolka Buuhoodle.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment