
Wasiirrada iyo madax-dhaqameedka oo markii kulankaasi u soo dhammaaday warbaahinta la hadlay, ayaa sheegya in lagu guulaystay in la soo afjaray murankii ka taagnaa dhulkaas.
Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay, “Muran maalmahan ka soo baxay dhulka Masallaha ee Madaarka Diyaaradaha ee Cigaal iyo Xerada Milateriga ku xeeran, dhulkaasi Guddidii dhulka ee Madaxweynuhu u saaray, Ciidankii meesha degganaa iyo dadkii deegaanku halkaa ay isku maadhaafeen, nasiib-wanaag arrintaasi wey dhamaatay waxaanay ku dhan tahay Madaxweynaha oo go’aan cad ka soo saaray oo sheegay in dhulka danta guud uu maamulayo oo Xukuumaddu maamulayso oo ay gacanta ku haynayso, madaxweynuhuna uu yahay ka leh go’aankeeda u dambeeya cid kale oo iskeed ugu tagri fali kartaana aanay jirin, Madaxweynuhuna go’aamo cadcad oo baahida qaranku u qabo ah ayuu ka soo saaray. Xukuumadda, Guddidii deegaanka, Culimada iyo dadka deegaanku ay isla garteen inay sidaaasi arrintaasi ku dhamaatay,” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.
Wasiirka Gaashaandhiga Axmed X. Cali Cadami oo isna halkaas ka halday, ayaa yidhi, “Waxa halkan la iskugu yimid oo Beesha deegaankan madax iyo mijaba iskugu yimaadeen in arrinkaasi la is wada gaadhsiiyo, amarkaana loo hoggaansamo sidaasaanu arrinkii ku dhamaaday, khilaaf dambe ka imanayaana ma jiro.”
Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) oo isna halkaas ka halday, ayaa sheegay “Dad iyo duunyo wixii ay Xukuumaddu garatay ayaanu garanay oo ku raacnay, wax hadlay iyo ka wax sheegaya ee Daaraha dhistay Xukuumaddaa xukunta oo ka ay wax siinayso iyo ka ay wax ka qadinaysana iyadaa Xukuumaddu taqaana,” ayuu yidhi Xaaji Cabdikariim.
Jiif-Caaqil Rashiid Jaambiir oo ka tirsan madax-dhaqameedka deegaanka, ayaa sheegay in Madaxweynuhu go’aan sax ka qaatay muranka ka taagnaa dhulka Masallaha, waxaanu yidhi “Madaxweynaha Jamhuuryada Somaliland waxaanu ugu mahadnaqaynaa go’aankaa xalaasha ah ee uu ka qaatay dhulkii danta guud ee muranku ka taagnaa, annaga, Suldaanka iyo Guddiduna wey ku taageersan tahay inay danta guud ee qaranka ahaato aad-baanay u mahadsan-yihiin.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment