
Guddoomiye ku-xigeenka 3aad ee UCID oo ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in guddiga doorashooyinku diyaar u yihiin inay doorashooyinka qabtaan xilliga ugu horreeya ee suurta-gal ah, “Waxaan idiin sheegayaa in Komishankani yahay kii ugu heer sareeyay, kana go’an tahay inay dalkan doorasho ka hir galiyaan wakhtiga ugu horeeya ee suuro gal ah. Waxay dhameeyeen wixii dhankooda kaga xidhaa oo dhan,” ayuu yidhi Cali Guray.
Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbul-Xaakimka Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay Komishanku warbixin hufan siiyeen Asxaabta, islamarkaana dhankoodana ay u gudbiyeen wixii talooyin ah ee la xidhiidha doorashooyinka iyo sida ugu haboon ee lagu gaadhi karo Doorasho wakhtigeeda ku qabsoonta, waxaanu yidhi, “Xisbiyadu wixii ay talo Hayeen Way u shegeen,Arinta Doorashaduna Wali Qabyo Weeyaan,Hawshiina Way Socotaa Dhamays tirkeediina Waa Lagu Guda Jiraa,Gudida Doorashooyinka Ayaa Noo Soo sheegi Doono,Markaa Arinka Waxaanu kaga wada Shaqayn Doonaa Si Aad u wanaagsan.”
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga Waddani Dr Maxamed Cismaan Fadal, ayaa isaguna dhankiisa ka sheegay mowqifka xisbigooda ee ku wejahan gudashada waajibaadka qaran ee Guddiga Doorashooyinku dhabarka u riteen, waxaanu sheegay Komishanka looga fadhiyo sidii ay u cayimi lahaayeen wakhtiga doorashada iyo qabashada Diwaangalinta codbixiyeyaasha, isaga oo sheegay inay ku qanacsan yihiin qaabka ay wax u wadaan iyo warbixinta ay komishanka ka heleen.
“Waxa ay nooga Warameen Halka ay Hawlaha Marinayaan, Dadkuna waxa ay ka Sugayaan Halka ay wax u marayaan, warka ugu Muhiimsan ee ay dadku sugayaan waxa uu ahaa in Doorashadu wakhtigeeda ku qabsoonto,” ayuu yidhi Dr Fadal, isaga oo intaas ku daray, “Haya’daha oo dhami waxa ay rabaan in ay doorashadu dhacdo, waxaana ay dhegta u taagayaan sidii Doorashadu u dhici lahayd, hawsha ay wadaan waanu ku qanac-nay wixii kale ee hawl ah ee u hadhsana waa ay noo ballan-qadeen in ay dhammayn doonaan.”
Kulankan ayaa noqonaya markii labaad ee ay Xisbiyada Qaranku arrimaha doorashooyinka iyo diiwaangelinaha kala yeesheen Komishanka tan iyo markii la magacaabay dabayaaqada sannadkii hore, waxaanay sidan oo kale xisbiyadu kalsooni uga muujiyeen qaabka Komishanka Doorashada ugu diyaar-garoobayaan qabsoomidda iyo hirgelinta diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo la’aanteed aan la qaban karin doorashada, haseyeeshee wakhtiga doorashada ka hadhay oo gabaabsi ah oo kooban awgeed, waxa ay xisbiyada mucaaradku wer-wer xooggan ka qabaan dib-u-dhac ku yimaadda doorashooyinka iyo muddo-kordhin xukuumadda loo sameeyo.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment