Hargeysa, 08 Feb, 2015 (Himilo)- Qaar ka tirsan Madax-dhaqameedka dalka, ayaa Wasiirka wasaaradda Caafimaadka ku bogaadiyey waxqabad muuqda oo uu ka hirgeliyey Gobolada iyo Degmooyinka Dalka, iyaga oo wasiirku ku ammaanay kaalinta uu ka qaatay ka qaatay maamul-daadejinta Gobollada Bari.
Madax dhaqameedkan oo isugu jiray Salaadiin, Boqoro iyo Cuqaal oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, waxay ku muujiyeen sida ay lama huraanka u tahay in la tilmaamo masuulka waxqabadkiisu umadda u wada muuqan karo, iyagoo si weyn ugu bogaadiyey Wasiirka caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) doorka uu ka qaatay munaasabaddii caleemo-saarka Garaadka Guud ee Buuhoodle Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe oo dhowaan wasiirku kaga qayb galay Magaalada Buuhoodle.
Afhayeenka Salaadiinta Somaliland Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiirey oo ugu horeyn ka hadlay shirka jaraa’id, ayaa yidhi, “Wasiirka ugu hiilin mayno gobol ahaan iyo degmo ahaan toona, laakiin waxa aanu ugu hiilinaynaa oo doonaynaa in aanu dareenka dadka u sheegno inuu yahay Wasiir Qaran oo ay bulshada Somaliland isugu mid tahay Bari iyo Galbeed-ba,” ayuu yidhi Suldaanku, isaga oo intaas ku daray, “Wasiirka waxaanu ku taageersan nahay waxqabadka Wasaaradda caafimaadka ee gobol ilaa tuulo uu gaadhsiiyey adeegyadii caafimaad.”
Suldaan Xiirey waxa uu si gaar ah isu dul taagay ka qayb galkii wasiirka Caafimaadka ee Munaasabadii caleemo-saarka Garaadka Guud ee Buuhoodle, waxaanu yidhi, “Waxaan doonayaa in aan ka hadlo qaybtii uu Wasiirka caafimaadku ka qaatay munaasabadii Caleemo-saarka ee uu dhowaan Buuhoodle kaga qayb galay, si wanaagsan oo sharaf leh ayuu gobolka u tegay oo loogu soo dhoweeyey, munaasabaddaa oo la isugu wada yimid-na mowqifkiisa iyo Qaddiyadda Somaliland wuu ka caddeeyey, ninkii rag ahina waa ka sidaas yeela, haddaanu nahay madax-dhaqameedkii Somaliland, Salaadiin, Boqoro, garaado iyo Cuqaal waxaanu caddaynaynaa in aanu ku taageersan nahay Wasiirka Caafimaadka Mowqifkii caddaa ee uu halkaa ka muujiyey.”
Geesta kale Boqor Maxamed Cismaan Nuur oo isaguna madasha ka hadlay, ayaa xoojiyey taageerada Salaadiinta Somaliland u hayaan Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Wasiirka caafimaadka waxaanu ku taageeraynaa Waxqabadka caafimaad ee uu dalka gaadhsiiyey, kormeerrada iyo dabogalka uu ku sameeyo dadkii hawsha caafimaad fulinteeda u xil saarnaa iyo dedaalka habeen iyo maalinba leh ee uu wasiirku wado,” ayuu yidhi Boqor Maxamed Cismaan, waxaanu intaas ku daray oo uu sheegay in Salaadiintu xaq u leeyihiin inay tilmaamaan ciddii waajibkeeda gudata iyo ciddii gudan weyda, wasiirka Caafimaadkuna uu wax-qabadkiisa ku mutaystay taageeerada ay u muujiyeen.
Sidoo kale, waxa halkaas ka hadlay, Suldaan Cabdinaasir Suldaan Cabdi Suldaan Ismaaciil, Suldaan Siciid Maxamed Cabdi, Boqor Cali Xuseen Kaahin, Jiif-Caaqil Cabdilaahi Xasan Warsame, Sheekh Cabdiaadir Sheelj Cumar Jaamac iyo madax dhaqameed kale, kuwaas oo dhamaantood isku raacay inaanu wax-qabadka Wasiirka caafimaadku ahayn mid la qarin karo, waxaanay Madaxweynaha Somaliland ka codsaday inuu abaal-mariyo mas'uulka ka soo baxa waajibaadka uu qaranka u hayo.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment