Hargeysa (Himilo)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo, ayaa manta xafiiskiisa ku yaala qasriga madaxtooyada Somaliland ee caasimada hargeysa, ku qaabiley safiirka dalka talyaaniga u fadhiya dalka Kenya una qaabilsan dalalka Somaliland iyo Somaliya.
[gallery ids="14935,14934,14933,14932,14931,14930"]
Safiirka dalka talyaaniga u fadhiya Kenya Amb. Fabrizzio Marzella oo markii ugu horaysay Somaliland socdaal ku yimid, ayaa Kulan saacado qaatay wuxuu la yeeshay madaxweynaha Somaliland, taasoo uu madaxweynuhu xogwaran ka siiyey Safiirka xaalada guud ee dalka iyo ta mandaqadaba, geeskaba, isaga oo madaxweynuhu faah-faahin dheer ka bixiyey horumarka ay somaliland ku talaabsatay 23kii sanno ee ka soo wareegay la soo noqoshada madaxbanaanideeda.
Madaxweynuhu safiirka guddoonsiiyey khariirada Somaliland iyo buuggaag ka waramaysa xaaladihii kala duwanaa ee ay somaliland ka soo gudubtay.
intaasi ka dibna waxa saxaafada si wada jira ula hadlay wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibeda Somaliland iyo Safiirka Talyaaniga ka socday.
HALKAN KA DHEGAYSO
[audio mp3="http://himilomedia.com/hmg/wp-content/uploads/2015/02/Codka-Kulanka-Safiirka-Talyaniga-u-qaabilsan-Somaliland-iyo-Somalia.mp3"][/audio]
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment