
Waraysi uu siiyey Idaacadda BBC-da Laanteeda dunida la hadasha, ayuu Madaxweynaha Nigeria ku qiray in Ciidammada Ammaanku ay si gaabis ah uga jawaab-bixiyeen weerarrada ay Boko Xaraam ka geystaan gudaha dalka, weeraradaas oo ay ku dhinteen kumannaan kun oo qof oo reer Nigeria ah.
Hase-yeeshee, waxa uu Madaxweynaha Nigeria sheegay in kaalmada uu dalkiisu ka helay waddamada deriska la ah ay ka caawisay in kooxdaas laga saaro Magaalooyin iyo Tuulooyin badan oo dalka Nigeria ka tirsan oo ay hore awood ugu lahaayeen Kooxda Boko Xaaraam.
Hadalkan ka soo yeedhay Madaxweynaha waddanka Nigeria Goodluck Jonathan, ayay dad badani u arkaan hadal siyaasadeed oo uu doonayo inuu cod kaga helo shacabka reer Nigeria ee ay Kooxda Boko Xaaraam dhibaatooyinka kala duwan ee nabadgelyo-darro ee dhaca, afduubka, dilka iyo degganaansho la’aanta isugu jira, maaddaama oo uu yahay Musharrax u taagan inuu u tartamo jagada Madaxweynaha ee uu hadda hayo doorashada loo mudddeeyey inay dalka Nigeria ka dhacdo 28-ka bishan March ee aynu ku jirno oo Ololeheedu bilaabmay.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment