Saturday, March 21, 2015

Madaxweynaha oo ka hadlay Shakhsiyaddii Oday ka tirsanaa Ganacsatada dalka oo shalay Hargeysa ku geeriyooday

Hargeysa, 21 March, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa tiir-dhexaad ka baxay oo taariikh ma-guurto ah ku lahaa Halgankii iyo Dib-u-dhiskii nabadeed ee dalka ku tilmaamay Alle ha u naxariistee Marxuum CabdiKeyd Cabdilaahi Aw Yuusuf oo shalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa, waxaanu tacsi u diray Ehelkii, qaraabadii iyo Dhammaanta Shacbiga Somaliland ee Marxuumku ka baxay.
Marxuumka oo ka mid Ganacsatada waaweyn ee dalka, ayuu madaxweynuhu ku sheegay inuu ka mid ahaa Odayaashii ka soo shaqeeyey nabadeyntii iyo Dib-u-dhiskii dalka isla markaana ka tirsanaa ganacsada dalka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kooban oo xambaarsna dhambaal tacsi ah oo madaxweynuhu kaga hadlay shakhsiyaddii marxuumka iyo doorkii uu ka soo qaatay horumarkii nabadeed ee dalka.
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariitee Marxuum Cabdikayd Cabdilaahi Aw Yuusuf oo ku geeriyooday Hargeysa maanta 20/03/2015, kana mid ahaa Odayaashii ka soo shaqeeyey nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, sidoo kaleba ka mid ahaa ganasatada dalka ugu taariikhda weyn oo uu ilaa hada ka mid ahaa marxuumku.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay tiir ka baxay dalka, taariikh ma guurta ahna ku lahaa halgamadii kala duwanaa iyo marxaladihii uu dalku soo maray oo uu door muhiima ku lahaa wakhtiyadaa.
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu Fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Ehelladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.” Sidaas ayaa lagu sheegay dhambaalka tacsida ah ee madaxweynaha oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment