Hadalkan oo noqonaya kii ugu horeeyey ee laga baahiyo dib-u-dhaca doorashooyinka la qorsheeyey inay ka dhacaan Soomaaliya sannadka soo socda ayaa ka soo baxay hay’ad cilmi-baadhiseed oo xarunteedu tahay Soomaaliya.

Warbixinta Heritage Institute ayaa lagu sheegay inay ka shaqeynayaan fursadihii iyo talaabooyinkii loo mari lahaa in hab nabadgelyo xalaal ah loogu wareejin lahaa xilka, dawlada bedeli doonta ta xilligan joogta.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya wakhti beesha caalamka iyo ergeyga Qaramadda Midoobay Mr. Kay sheegeen dhowaan sheegay inaanay jiri doonin kordhin loo sameeyo muddo xileedka hogaamiyeyaasha Soomaaliya marka wakhtigoodu dhamaado, waxaanu yidhi "Ma jiri doonto kordhin muddo xileedka hogaamiyeyaasha Soomaaliya, marka wakhtigoodu dhamaado August, 2016, beesha caalamkuna ma aqbali doonto."
Dhawaaqa Heritage Institute ayaa noqonaya mid guuldaro ku keenaya madaxda Soomaaliya iyo guud ahaan dedaalada beesha caalamku dabada ka riixayso ee ma-dhalayska ah, kuna sii biiri doona tobonaan isku-dey oo sannadihii u dambeeyey lagu fashilmay.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment