Hargeysa, 24 April, 2015 (Himilo)- Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Cali Maxamed Cilmi, ayaa sheegay in haddii ay Dekedda Berbera hesho Maalgashi caalami ah wax ku kordha Tirada shaqaalaha ka hawlgala, tayada Dekedda, Badeecadaha ka soo degaya iyo Gaadiidka ku soo xidhanaya mooyaane wax iska dhimayaa aanay jirin. Waxaanu xusay in Shirkadda ay Xukuumaddu u aragto inay dani ugu jirto dalka, dadka iyo Dekeddaba heshiiska lala galo la marin doono Golayaasha Sharciga ah.

“Cid kasta oo Maalgashi caalami ah wadda oo dani ugu jirto Jamhuuriyadda Somaliland, Madaxweynaha Somaliland iyo Xukuumaddiisu inay soo dhaweeyaan oo ay maalgashadaan dalka, ayaa ka go’an. Dekedda Berbera dhererkeedu waa lix boqol iyo lixdan Mitir, Madaxweynuhu Khudbad-sannadeedkiisii uu ka arkhiyey labada Gole Baarlamaan waxa uu ku sheegay in Shirkado Shisheeye ah oo doonaya inay Maalgashadaan Dekedda Berbera ay la wadaan wadahadallo siday u maalgashan lahaayeen ah, una kala xulanayaan, wadahadalkaasina wuu socdaa, dawladdana waxa ka go’an ta (Shirkadda) danta ummadda iyo faa’iidada ugu badani ay ugu jirto Jamhuuriyadda Somaliland in Dekedda Berbera ay maalgashato.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Ku-xigeenka Xannaanada Xoolaha Somaliland oo Waraysi gaar uu la yeeshay Weriye Cismaan Axmed Cismaan oo ka tirsan Telefeshinka Star.
Wasiir Ku-xigeenka Xannaanada Xoolaha oo sii watay hadalkiisa waxa uu yidhi; “Mana aha in waxaas laga dhigto borabagaande iyo in dadka lagu kiciyo oo la yidhaahdo; ‘Dekeddii Berbera ayaa la iibinayaa, kan baa la samaynayaa’ waa wax laga xishoodo. Waxa weeyaan dalku Sharci buu leeyahay, nidaam buu leeyahay, nidaam Qaran buu leeyahay, halka saxda ah baa la marinayaa haddii Shirkado shisheeye lala galayo heshiis Maalgashi Golayaasha caadiga ah baa la marinayaa, Madaxweynaha, Cidda uu u xil-saaro, Wasiirradiisa iyo ciddii kale ee hawshaa ku shaqada leh Madaxweynaha way u soo bandhigayaan wixii ay Shirkadahaas la xidhiidha.”
“Hadday tahay dhinaca Shaqaalaha Dekedda Berbera, wax iska dhimayaa ma jiro. Waa la ballaadhinayaa Dekeddii, Shaqadi way ballaadhanaysaa, wax ku kordha mooyaane wax iska dhimayaa ma jiro, Shaqaale cusub baa loo baahanayaa, waxa kale oo soo kordhaya Badeecadihii Dekedda ka soo degayey iyo Maraakiibta ku soo xidhanaysaa-ba, markaa haddii maalgashi caalami ah loo helo Dekedda Berbera faa’iido mooyee khasaare malaha, mana aha horumarka in la borabagaandeeyo ee waa in la taageeraa.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Ku-xigeenka Xannaanada Xoolaha Somaliland Cali Maxamed Cilmi.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment