Haddii laysu geeyoo laysu guursho maalmaha intaad gogosha jiiftiyo inta aad golmoontee wax gasiimanaysaa gu`yaal badan tagaayee goormaad werweriyoo wershed aad is galinoo iska saari gawsaha yaad oonta goosane
GARAAD-DARAN ---------------GAARRIYE
Inkasta oo aan ahay wiil dhalinyaro ah wali xoogiisuna dihin yahay, haddana waxa aan imi guriga aniga oo leeg-leegadaya xilli fiid ah, haddii aan waxoogaa daawaday telefishanka dabadeed waxa aan u diyaar garoobay in aan seexdo laakiin adaaba sheegaya! Furaashka iyo go`a la collow, mooyee la heshii. cabbaar markii aanu goolaaftamaynay ayaa waxa noo timid iyadii (NAFTII).
Weydiiyay oo ku idhi ma gashaad igu lahayd? Ku-ye haa. Hadda gefka iga daa? Ku-ye aduu guhaadka iga dhaaf. Yaab! Waxoogaa haddii aan gunuunucay oo aan gurguurasho iyo gariirba daayay oon gabood iyo gaashaanba ka dhigtay go`ii iyo furaashkii ayaan gocanayaa in aanan gef baad jeedaaye, geesna aanan ka ridinse cakiskeeda ay I karbaashtay oo koboc iyo koriinba ii diiday ay I ilawsiiisay inaan ahay xubin ka mida bulshada, ka mida qaranka ayna ka sugayaan kaalmo, kas iyo koriinba si loo waddo hayaanka ay ummadu ku jirto.
Waxay I hilmaamisay in aan dareemo waxa aan u noolahay iyada oo humaag beena igu tusaysa in aan u imi in aan dhasho, dherernaado, dhergo oon dhinto. Balse ay tahay runtu inaan dhasho, dhisto, dhaqdo, dhiso. Anoo ka qeyb qaadanaya hagaajinta iyo horumarinta bulsho iyo qaranba. Ka darane ay sanado badan I ilawsiisay markii ay bilaabmayeen in aan qaato buugayga qorshaha (plan book) si aan saacad walba, maalin walba, wiig walba iyo bilkastiba ay iigu astaysnaadaan wax gooniya, iiguna suntanaadaan qiimo gaar ah, si midiba mida kale iigaga yeelato baadi-sooc.
Waa ay I naafaysay oo ay I kala dhantaashay imikana ay u heelan tahay oo ay iila haasaawaysaa inay I tirtirto hayeeshee dulucduba waxay tahay Mar I dage alle ha dago mar labaad I dage se anaa is dagay. Waxba yaanan ku daaline KALA GARO NAFTAADA IYO LAFTAADA.
W/Q : jibril jirde abdi
Email: jirde40@gmail.com
Facebook: jibriil jirde
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment