Tuesday, April 28, 2015

Guddoomiyaha Guurtida oo Sheegay inaanay jirin xaalad adag oo Siyaasadeed, Muddo-kordhinta Xukuumaddana samaynayaan

Hargeysa, 28 April, 2015-(Himilo):- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa shaaca ka qaaday inay Gole ahaan muddo-kordhin u samaynayaan Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo muddada xilkoodu dhammaanayso 26 June 2015-ka, maaddaama oo ay Guddiga doorashooyinka Qaranku caddeeyeen inaanay xilligaa doorasho ku qaban karin oo ay sheegeen in 1-da June 2016-ka qaban doonaan doorashooyinka labadaas Gole.
GUDDOOMIYAHA GUURTIDA SOMALILANDGuddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo maanta dalka ku soo laabtay, ka dib markii uu muddo dibedda ku maqnaa, ayaa lagu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, halkaasoo uu Saxaafadda kula hadlay, waxa uu ka sheegey inaanay dawlad la’aani dalka ka dhici doonin maaddaama oo aan doorashada xilligeeda lagu qaban karin sida ay sheegeen Guddiga doorashooyinka Qaranku.
“Horena waa loo kordhin jiray maantana Guddigii doorashooyinku waxay tidhi; ‘muddadaas doorasho kuma qaban karno’. Dee waa la kordhin illeen dawlad la’aani jirimaysee, waa la kordhin doonaa sidii sharcigu ahaa. Maanta-se idin odhan maayo muddadaas ayaa la kordhinayaa ee horta aannu hawshayada qabsanno.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland.
Guddoomiye Saleebaan oo la weydiiyey sida uu u arko xaaladda adag ee siyaasadeed ee dalku marayaa saamaynta ay yeelan karto, waxa uu ku jawaabay; “Xaalaadda dalku marayo ee aad ii buun-buuninaysaan anigu idin lama arko, wax dhibaato ahi ma jirto, Rag baa qaylinaya, Guurtidiina weli arrintii haddii warqaddii gaadhayna go’aan may ka gaadhin, cidna lamay tashan meel aad nagu kufinaysaan anigu garan-maayee Insha Allaah wanaag bay noqon.”.
Xisbiyada Mucaaradka Somaliland iyo Qaadhaan-bixiyeyaasha Beesha caalamka ee Somaliland nidaamka dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka ka taageera, ayaa walaac ka muujiyey in Golaha Guurtidu kordhiyaan wakhti ka badan xilliga ay Guddiga doorashooyinka Qaranku shaaciyeen inay doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada ku qaban doonaan ee 1-da bisha June 2016-ka.
Waxaanay soo jeediyeen inay is-waafajiyaan wakhtigaa ay Guddiga doorashooyinku u qabteen doorashada, Madaxweynuhuna ku raacay, sida ay muujisay xog laga helay qoraal uu Madaxweynuhu u gudbiyey Golaha Guurtida oo uu kaga dalbaday inay waajibkooda ka gutaan wakhtiga dhammaanaya ee Madaxtooyada iyo Wakiillada iyo dib-u-dhaca doorashooyinkooda, taasoo macneheedu yahay samaynta muddo-kordhin Madaxtooyada iyo Wakiillada ay u sameeyaan Guurtidu sida uu dhigayo qodobka 82-aad ee Dastuurka Qaranka Somaliland.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment