Monday, April 27, 2015

Xoghayaha Golaha Wakiillada Oo DeedafeeyeyJiritaanka Waraaq Arrimo Federal Ka Hadlaysa Oo Qoristeeda Guddoomiye Cirro Lagu Eedeeyey

Hargeysa:April,27,2015(Himilo)-Xogyahayaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, ayaa ka Hadlay waraaq arrimo federalka salka ku haysa oo warbaahinta qaarkeed ku tilmaameen inuu qoray Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan CIrro, taas oo lagu socodsiiyey Dawladda Finland.

sicorXoghayaha Wakiilada oo shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa arrintan ku tilmaamay been abuurkii ugu weynaa “Warqaddani waxay ka hadlaysaa Xisbiga Waddani oo leh markaanu ku guulaysano Xilka Wadanka waxaanu qaadanaynaa Federaalka Somalia. Warqaddan la been abuuray ama Foojarka lagu sameeyay waa warqad uu leeyahay qaranku. Waa foojarigii ugu darnaa ee Qarnigan ee Saxaafaddu baahiso,” ayuu yidhi Mudane Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.

Xoghayaha ayaa Warqaddan ku tilmaamay Hanti golaha wakiiladu leeyahay iyo sir qaran oo la minguuriyay islamarkaana la been abuuray “Warqaddan foojariga ah ma laha Tixraacii golaha wakiilada. Waxa kale oo aad arkaysaa halkii Waraaqaha golaha lagaga qori jiray tixraaca oo lagu qoray taariikhdii. Warqaddan Ingiriisi ayaa lagu qoray waxaana hoosta lagaga qoray Magacii gudoomiyaha iyo Allaa Mahadleh Afsoomaali ah” ayuu yidhi Mr Cabdirisaaq.

Warqaddan oo saxaafadda qaarkeed ilaa shalay baahinaysay ayaa ka socota Xisbiga Waddani waxaase ku qoran Shaambadda Golaha Wakiilada iyo Ciwaangka Golaha, iyadoo sidoo kale Warqadda oo lagu socodsiiyay Dalka Finland ay hoosta kaga qoran tahay Magaca Gudoomiye Cirro iyo Allaa mahadleh Afka Soomaaliga lagu qoray.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment