Muddo Kordhintii Koowaad ee 1995-kii
Markii dawladdii Maxamed X. Ibraahin Cigaal lagu soo doortay magaalada Boorama horaantii Sannadkii 1993-kii ee ay dhammaatay muddadii xilka loo doortay oo ahayd muddo saddex sanno ah, balse uu socday dagaalkii Sokeeye ee bilaabmay dabayaqaadii sannadkii 1994-kii ayey Golaha guurtidu kulan ka yeesheen sidii loo qiimayn lahaa xaalada dalku marayo. Waxaana la soo jeediyey inaanay marnaba dhacayn doorasho, maadaamo oo lagu jiro xaalada amaan-daro ah.
Kulankaasi golaha guurtida waxa ka soo baxay muddo kordhtii koowaad ee golaha guurtidu u sameeyaan dawladda Somaliland waxaana M/weyne Maxamed X. Ibraahin Cigaal loo kordhiyey muddo dhan sannad iyo badh. 1995-kii ilaa 1996-kii ayaa la kordhiyey. Horaantii sannadkii 1997-kii waxa loo dareeray doorashadii shir-Beeleedka ee ka dhacday Hargaysa gaar ahaan guriga shaqaalaha.
Muddo Kordhintii Labaad ee 2001-dii
Markii labaad ee muddo kordhinta loo sameeyey dawladdii M/weyne Maxamed X. Ibraahin Cigaal ahaa ahayd muddo dhan sannad. Taasoo ka bilaabmaysay 2001-dii ilaa 2002-dii. Sidii hore oo kale sababaha loo cuskaday muddo kordhinta ay golaha guurtidu samaysay waxa lagu sheegay dhawr arrimood oo ay ugu mihiimsan yihiin
Guddigii diiwaangelinta lama samayn, si dadka codaynaya loo ogaado.
Xudduudihii dalka lama wada gaadhin.
Xaalada dalka oo weli ku jirta amaan-daro, maadaama oo Burco lagaga dhawaaqay gole Salaadiin iyo siyaasiin isugu jirta.
Markii ay golaha guurtidu arrimahaasi soo bandhigeen ayey go’aamiyeen muddo kordhintaasi.
Muddo Kordhintii Saddexaad ee 2003-dii.
Sannadkii 2003-dii ee la doortay M/weyne Daahir Riyaale Kaahin, muddo xilkeedkiisu wuxuu ku dhammaa 2008-dii. Markii ay soo dhawaatay wakhtigii doorashadu, ayay guurtidu kal-fadhi yeesheen kaasoo lagaga doodaayey ajande ah muddo kordhin loo sameeyo xukuumaddii Daahir Riyaale. Go’aanka muddo kordhinta oo sumadiisu ahayd GG/JSL kal-fadhi 35-aad, go’aan Lr 04/2008-dii, soona baxay 13-kii Abriil 2008-dii, ujeedada kal-fadhiga ayaa ahayd muddo kordhin. Waxa madasha fadhiyay 65 xildhibaan oo guurti ah, waxa la gudo-galay cod u qaadistii, waxa ogolaaday 61 xubnood, waxa ka aamuusay 3 xubnood, waxaana diiday 1 xubin ah. Sidaasi ayaa xukuumaddii Riyaale loogu kordhiyay ilaa bishii 6-aad ee sannadka 2009-ka.
Muddo kordhintii Afraad ee 2009-kii
Madaxweyne Daahir Riyaale ayaa soo dalbay muddo kordhin dambe, balse wuxuu si xeeladaysan u soo dhigay muddo kordhin loo sameeyo. Warqada dalabka ah ee M/weyne Riyaale soo qoray ayuu ku sheegay in la is-waafajiyo xilliga ay guddiga doorashooyinku u qabteen inay doorashadu dhacdo iyo sidii xukuumada sharci kursiga ugu fadhiyi lahayd.
Laakiin golaha guurtida ayaa dalabkaasi kal-fadhi ka yeeshay, waxaana soo xaadiray 79 xubnood ka dib waxa la gudo-galay cod u qaadis gacan taaga ah ee muddo kordhinta, 42 xubnood ayaa ogolaaday, 35 xubnoodna way diideen. Sidaasi ayay ku ansaxday muddo kordhintii labaad. Labadaasi goor ee guurtidu u kordhisay M/weyne Daahri Riyaale waxay u cuskadeen qodobka Dastuurka ee 83-aad , firqadiisa 5-aad ee qabsoomid la’aanta doorashada oo ay ku sababayeen nabadgelyo daro awgeed iyo inaanu dalku ku dhicin bilaa dawlad.
Muddo Kordhinta Shanaad ee la filayo 2015-ka
Muddo kordhintan waxay toos isugu mid yihiin tii ugu dambaysay ee loo sameeyey M/weyne Daahir Riyaale sannadkii 2009-kii. Sida maanta dhacday waraaqda uu M/weynuhu qoray ayaa golaha la horkeeni doonaa waxaana laga hor-akhriyey golaha ka dibna cod ayaa loo qaadi. waxay u cuskan doonaan qodobka Dastuurka ee 83-aad , firqadiisa 5-aad ee qabsoomid la’aanta doorashada. Sidaasi ayey ansax ku noqon doontaa.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, Qoraa ah.
Haragaysa, Somaliland
calicoomay@hotmail.com
Tix-Raac:
Cali Dool Axmed “ Qoryooley”…………………………. Meerisyadii Taariikhda
Boobe Yuusuf Ducaale……………………………………..Dhaxal-Reeb
HIMILOMEDIA.COM
HARGEYSA-SOMALILAND
No comments:
Post a Comment