Tuesday, April 21, 2015

Ururka Qareennada oo Madaxweynaha u soo bandhigay Cidda ay habboon tahay inuu u magacaabo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

Hargeysa, 21 April, 2015 (Himilo)- Ururka Qareenada Somaliland ee SOLLA, ayaa ka talo-bixiyey hannaanka Saami-qeybsiga Beelaha Somaliland wada dega, isla markaana soo jeediyey inaanay Beesha dhexe isku koobin inta badan Kuraasta dawladda iyo Xilalka Qaranka, hase-yeeshee ay habboon tahay inay wax is-dhaafiyaan.

War-Saxaafadeed Qoraal ah oo uu ku Saxeexnaa Guddoomiyaha Ururka Qareennada Somaliland Garyaqaan SOLLA Foosi Sheekh Yoonis Xasan oo uu shalay soo saaray, ayaa lagu faahfaahiyey talo-soojeedinta Ururka Qareennadu, kaasoo ay si aad ah ugula hadleen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu u dhignaa sidan:-

“Mudane Madaxweyne iyadoo loo baahan yahay in Siyaasadda Somaliland iyo Dastuurka Qaranku-ba ay ka tarjumaan saami-qaybsiga (Power sharing) beelaha Somaliland oo ah in beelaha Somaliland loo xaq-sooro xagga saami-qaybsiga. Inkasta oo aad wax ka qabatay tabashooyin badan oo ka jiray dhanka Bariga iyo Galbeedka labada-ba, haddana weli waxa jira tabashooyin badan oo dhanka Bariga ah, kuwaasoo u baahan si Qarannimadeennu taam u noqoto in wax laga qabto.

Waxaanan talo ku soo jeedinaynaa Mudane Madaxweyne in aad kursiga Maxkamadda Sare aad ka dhex doorato Garyaqaannada ka soo jeedda gobolka Sool, iyadoo ay joogaan sharciyaqaanno khibrad iyo aqoon ba u leh sharciga, dadnimadooduna buuxin karto, kana soo shaqeeyay Hay’adaha Garsoorka intii uu Qarankani Jamhuuriyadda Somaaliland jiray iyo intii ka horraysay-ba.

Mudane Madaxweyne iyadoo ay jirto in aan Dastuurka Somaliland u xaq-soorin beelaha Somaliland, oo aannu ka tarjumaynin nidaamka Siyaasadeed ee Somaliland u baahan tahay in ay Siyaasaddeedu ku salaysnaato, oo aragti ahaanna aan qabo in qaab-dhiismeedka Golaha Fulintu uu yeeshu Madaxweyne iyo labo Madaxweyne Ku-xigeen, si Dastuurkeennu u noqdo mid duruufteenna iyo sida aynu u eegnahay ka turjumaya,  taasoo ku xidhan wax-ka-baddelka Dastuurkeenna xilliga la gaadho ee ay habboonaato wax-ka-beddelkiisu.

Waxaan soo jeedinayaa in aan beesha dhexe noqon; ‘Habartii la yidhi boqolka cad u qaybi Haweenka, ee tidhi; ‘waxba is-dhaafin maayo, oo mid waliba aniguu igu wanaaagsan yahay’. Sidaasi daraaddeed Mudane Madaxweyne waxaan kuu soo jeedinayaa in aad Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee aad magacaabi doonto ka dhex doorato Garyaqaannada u dhashay gobolka Sool. Allaa  Mahad Leh.”

Himilomedia

Hargeysa

No comments:

Post a Comment